Warar ay Allsnaag heshay ayaa waxay sheegayaan in Mashaariicdii horumarinta Puntland oo ay Dawlada Kuweit ugu deeqday Puntland in labadii Mashruuc oo ku soo aaday degaanada Maakhir laga wada hadlay sidii loo hirgelin lahaa iyo meelihii laga hirglin lahaa.
Gobolka Sanaag Magaalada Lasqorey ayaa waxa lagu wadaa in laga dhiso dekeda,halka Jaamacada Maakhir laysla soo qaaday hase ahaatee go'aan la gaarin in laga dhiso Caasimada Gobolka Hayland ee Dhahar iyada oo lagu doortay dhowr arimood oo ku haboon in halkaa Jaamcda Maakhir laga dhiso
Arimaha lagu xushay Gobolka Haylaand in laga dhiso Jaamacada ayaa lagu sheegay in ay yihiin in Gobolku xuduud la leeyahay Dhowr gobol oo ka mid ah Puntland sida Sanaag,Sool,Nugaal,Bari,Karkaar sidaas awgeed ardada dhamaan goboladan ayaa waxay noqonayaan kuwo ka faaiidaysta Jamacadan lagu wado in ay noqoto mid ka mid ah kuwa ugu fiican Afrika.
Arinta labaad ayaa ah Shaqo abuuris oo hadii Gobolka Sanaag laga dhisay deked oo halkaas shaqo ka abuurantay sidoo kale Dhisida Jaamacada Haylaand waxay abuuri doontaa shaqooyin Badan .
Arinta sadexaad ayaa ah in Magaalada Dhahar ay ahayd nus qarni meelaha lagu soo xagaa baxo xiliyada Kulaylaha ay tahay Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ee xeebaha sidaas awgeed ardadii soo xagaa baxday oo rabtay in ay sii wataan waxbarashadooda ayaa halkii ka sii wadi doona waxbarashadooda
Arimahn iyo dhowr kale ayaa la sheegay in lagu dooranayo in Dhahar laga dhiso Jaamacada Maakhir hase ahaatee weli wax go'aan ah lama gaarin halkii laga dhisi lahaa jaamacad oo wali waxa socda wada tashiyo iyo baaritaan
Allsanaag.com
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
We know whats going on, a private Kuwait firm is attempting to secure their place in Maakhir. Have now pledged to build the University of Maakhir, Dhahar site.
Our wealthy brothers, LQ Port, Universities---Manshallah
