Faysal Xawar: Maakhir Patriot and friends in high places

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Faysal Xawar: Maakhir Patriot and friends in high places

Post by muftaax »

Faysal Xawar iyo Cumar Xaaji Cali Taalo Ha loo Dhiso [Qormada Maanta]
December 7, 2010
By Somali


Image
KUWAIT::waxaa beryhan saxaafadu aad u hadal haysaa mashaariicdan laga hirgelilanayo degaanada maakhir hadaba waxay dad badani iswaydiinayaan yaa mashaariicdan soo xidhay ma puntland mise dadka degaanka ee reer maakhir hadaba warbaahinta hadaaftimo media oo u dhaba gashay arintan ayaa waxay soo ogaatay in hawsha marshruuca dekeda in ay iska kaashadaane dad badan oo intooduba ka soo jeeda degaanka maakhir,hadaba hadii aan akhristayaasha sharafta leh u iftiimino mashaariicdan ay dowlada kuweyt ay balanqaday.


Waxaa dowlada Kuwait shir ay u qabatay dalal gaadhaya ilaa 30 dal iyo ngo yo fara badan oo ka kala socda hay’adaha qaramada midoobay jaamacada carabta bangiga islaamka iyo kuwa badan oo fuliya hawlo horumarineed , hadaba dowlada Kuwait oo rabtay in ay ka fuliso dalalkaas mashaariic lataaban karo haba ugu horeeyey dalalka carabta iyo muslimku oo u badna wadamada meesha joogay.

Hadaba shirkan ayaan wax soomaaliya mata aanu ka qayb galin warna u hayn markii hore, waxaa dhacay in shirka ay la socdeen aqoonyahay rer maakhir ah sida Faysal A.Xawar iyo mudane Cumar Xaaji Cali oo la kulmay rag badan oo ay asxabyihiin iyo weliba amiirka Kuwait u sheegayna in soomaaliya ay dhibaato ka jirto ayna rabaan in dowlada Kuwait ay ku darto mashaariicda la fulinayo kuwa laga fuliyo dalka soomaaliya, amiirka Kuwait ilaahay khyr ha siiyee oo ah nin jecel dadka soomaaliyeed aminsana in soomaali ku qurux badantahay in ay mid ahaato ,ayaa ku xidhay raga in uu soo dhawaynayo fikirkoda balse iyaguna ay cid maamulada soomaaliya ka tirsan oo arinkaas saxiixa amnigana damaanad qaada la keeno,waxaa xidhidh wada sameyey jaaliyada maakhir iyo wasiirka arimaha gudaha puntland mudane c/laahi axmed jaamac(ilka jir) oo isagu sheegay in uu jagadan u qabtay sidii uu geed dheer iyo geed gaaban ba ugu korilahaa arinta dekeda maadama ay tahay masiirka umada maakhir uuna arintii madaxweyne faroole kala hadlay labada masuul ayaa si kasid ah uga duulay garoowe iyadoo markii hore la sii shaacin safarkooda, balse mar danbe saxaafadu ogaatay in ay ku si jeedaan xagaas iyo Kuwait, faroole iyo ilka jiir waxaa magaalada kusoo dhaweyey jaaliyada soomaalida ee ku dhaqan Kuwait iyagoo marki danbena si heer qaran ah ay u qaabishay dowlada Kuwait.

Hadaba intaan boqorka aan hawshaas lagala hadlin mashaariicda ayaa amiirka warbixin laga siiyey puntland iyo waxay tahay iyo waxay u taagantahay marki uu ku qancay in ay puntland aanay ahayn sida Somaliland oo kale oo sheeganaysa dal ka madax banaaan soomaali intiisa kale ayuu sheegay waxay rabaan ka maamul ahaan in laga caawiyo arinkaas waxaa dib isugu noqday ragii hawsha watay iyo ragi la soo casumay, faroole waxaa loo sheegay in shacabka maakhir ay rabaan in deked laasqoray laga dhiso taasna wuu ku qancay inskatu isagu rabay in mashaaricda into bdan laga fuliyo gobolada nugaal iyo bari,balse muran cabaar ka dib waxaa qalinka lagu duugay 3 mashruuc oo waa weeyn waa kan dekeda laasqora kan madaarada bosaso iyo garowe.

hadaba hadii aan u soo noqono qormadeena inaga oo aragnay in manta umada laba nin oo shakhsi ah oo aqonyahaniin ah ay u keceen dadaal badan ka dibna ilaahy ku garab galay arinkaas,hadaba faysal A.xawar iyo cumar xaaji cali shacabka rer maakhir waxay manta ugu abaal guadaan ma garanayaan maadama ay yihiiin rag muwaadiin ah oo u istaagay mashruuc beryahayba umada rer maakhir aad ugu taamaysay in uu hirgalo balse dad badan qabeen in uu yahay dhalanteed ayaa manta meel kale ka soo curtay,waxaa kale oo isna hambalyo mudan wasiirka arimaha gudaha ilka jiir oo isna meeshii ay faroole shir kaga wada qaybgalaan u sheega in degaanka uu ka soo jeedo mashaariicda wax laga siiyo,jananku wuxuu dhamaa wixii siyaasiin ee weligood biilka ka qaadan jiray puntland dantoodana ka hormarin jiran tan degaanada iyo shacabka ay mataalaan.

iskusoo wada duubo waa guul u soo hoyatey shacabka ka soo jeeda gobolada la isku yidhaahdo maakhir dhawaana waxaa la filayaa markii jananku dalka soo gaadho in uu laasqoray tago ciidan beeleedyo amniga dekeda suga la dhiso maxkamad iyo xabsi weeyn oo ay magaaladu yeelato ,ugu danbaytii waxay ugu baaqayaa shacabka rer maakhir in ay meel kasta oo ay jogan iska ilaawaan wixii bulshada hore u dhexyaalay waaga beryeyna lala kowsado dalka iyo dadkana wax loo Qabto.

Xuquuqda:-Maqaalka

HMC
User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Re: Faysal Xawar: Maakhir Patriot and friends in high places

Post by muftaax »

Maakhiri Patriot, and the next generation will guide Maakhir :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”