Go’aan xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale
(Maygaagle, December 08, 2010 Ceegaag Online)
Go'aamadii oo cod ah Dhagayso
بسم الله الرحمن الرحيم
Taariikh: 03/01/1432H, 08/12/2010 - Meygaagle
KU: labada beelood ( Beesha Buuhoodle & Beesha Qori lugud)
OG: DHammaan salaadiinta, garaaddada , boqorrada, cuqaasha iyo odayaasha dhaqanka
UJ: go’aan xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale
Haddii aannu nahay guddiga garsoorka ee hoos ku saxeexan , waxay kalsooni buuxda noo siiyeen labada beelood ee kala ah beesha Buuhoodle iyo beesha Qori lugud,oo ay wakiilu dacwo u ahaayeen: Saleebaan Maxamed Jaamac, Cali Cabdi Cali, C/raxmaan Axmed Diiriye, oo ahaa dhinaca B/hoodle, iyo Caaqil Cali Caddaani Cali, Cismaan Ibraahim Warsame, Adan Warsame Cawed: inaan shareecada ku kala saarno arrimaha ay isku hayeen oo kala ah :
A- Dhimashadii, dhaawacii iyo hantidii ku dhuntay shaqaaqadii dhex martay labada beelood: 9 – 10kii bishii Dilxijja 1431H
B- Lahaanshaha balliga Kalshaale iyo nawaaxigiisa:
Markaan dhegaysannay dacwada labada dhinac, aragnayna qoraalladoodii.
Markaan tagnay goobtii ay isku hayeen lahaanshaheeda ee Kalshaale .
Markaan dhegaysannay qiraalka ay isla qirsan yihiin dhimashada, dhaawaca iyo furka.
Markaan dooddoodii u bandhignay shareecada , kana baaraan degnay.
Markaan huibin ku sameynnay degaannada beelahan
Waxaannu go’aaminnay sidan:
1- In 10ka nin ee ay kala dileen oo toddoba u dhalatay beesha Qorilugud, saddexda kalena beesha Buuhoodle, laga bixiyo mag culus ( muqalladah), oo ninkiiba yahay: 100 halaad oo kala ah: 40 halaad oo rimman, 30 qaalmood oo 5 jir ah , iyo 30 qaalmood oo 4 jir ah, bixintuna tahay mag dharaareed( xaallah).
2- In ragga ka dhaawacan labada dhinac la kala xaqdo marka ay bogsadaan, kuwaasoo kala ah: beesha Qori lugud 6 nin, beesha B/hoodlena 3 nin, xaqooduna waa diyo culus( muqalladah).
3- In wixii hanti ah ee sugma , beel waliba u celiso tan kale wixii ay leedahay.
B- Balliga Kalshaale:
1- In beelina si gaar ah aanay u lahayn Baligaas , isla markaana ay wadaagaan labada beelood biyihiisa, daaqiisa iyo degaankiisaba..
2- In beesha Buuhoodle ay xaq u leedahay inay ka qodato dhinaca kale ee balliga saddex berkadood, beesha Qori lugudna leedahay saddexdii ay horey u qodatay.
3- In aan lagu darin dhisme Magaalo ah iyo Baraago kale midna maadaama ay goobtu tahay dhul daaqeed.
Eeg:
1- Akhri xadiiska uu weriyey Imaan Axmad, Abuu daa’uud, iyo Ibnu maajah oo caddeynaya in biyaha , daaqa , iyo xaabada ay dadka muslimiinta wada leeyihiin, haddii aysan jirin cid gaar ah oo noolaysatay( tacmiir) loogana horreyn.
2- Akhri xadiiska uu weriyey Bukhaari ee tilmaamaya : in dhulka qofka muslimka ah ee nooleeyaa mulkiyo.
3- Al um ee Imaamu SHaafici , M2, J2, bogga: 42- 46.
4- Almajmuuc M16, bogga: 117- 121.
5- Almawsuuca alfiqhiya, M2, bogga: 238 – 250.
6- Alwajiiz fii fiqhissunna walkitaabil caziiz, bogga: 353.
7- Aljaamicu li ixkaami fiqhi sunna, M4, bogga: 161.
8- Alsharxul mumtic, bogga : 5 - 204
Saxeexa guddiga shareecada ee go’aanka gaaray:
1- SH.Cusmaan Cali Xuseen( guddoomiye)………………………….
2- SH.Axmde Maxamed Suleymaan………………………………….
3- SH.Axmed Xaashi Xuseen…………………………………………
4- SH.C/laahi Cabdi Cali ( Makaawi)………………………………..
5- SH.Maxamuud X. Yuusuf…………………………………………
6- SH.Cawil Faatax Shire…………………………………………….
7- SH.Muxummad Warsame Dhurde………………………………..
8- - SH.C/qaadir Muxummad Nuur………………………………….
9- SH.Faarax Muumin Faahiye( xoghayn)…………………………..
Guddiga arrimaha dhaqanka
1- Oday /Maxamuud Saxardiid Ismaaciil………….
2- Oday/ Xasan Xuseen Faarax…………………….
3- Oday/ Cabdi Xaashi Xuseen…………………….
4- Oday/ Diiriye Daahir Caalin…………………….
5- Oday/ Cabdi Aadan C/laahi…………………….
6- Caaqil/ Xirsi Maxamed Cilmi………………….
7- Caaqil/ Maxamuud C/laahi Faarax……………
8- Oday/ Cabdi Faarax Nuur……………………..
magacyada ergada Salaadiinta ah iyo garaaddada
Haddaannu nahay salaadiinta , garaaddada iyo boqorrada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaannu ayidnay xukunka hsareecada ee laga gaaray arrinta Kalshaale:
1- Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim……………….
2- Garaad Maxamed Cilmi SHirwac………………….
3- Garaad C/llaahi Cali Ciid…………………………..
4- Suldaan Saciid Maxamed Garaase…………………
5 – Suldaan Xasan Barre Warsame Shire…………….
6- Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal……………..
7- Suldaan Maxamed Yuusuf X.Faarax……………….
8- Suldaan Xasan Baade Xaddi Axmed……………….
9- Suldaan Xiis Barre Yuusuf………………………….
10- Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle……………..
11- Suldaan Saleebaan Tukaale Raage……………………
Shir-Gudoonka Ergada Dhexdhexaadka ah :
1- Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar( Goddoomiyaha Ergada)___
2- Suldaan Suleymaan Suldaan Cali Ismaaciil ( Gudoomiye ku xigeen)_______
3- Suldaan Axmad Daahir Muuse Cilmi _________
Daawo Sawirada.
http://www.ceegaag.com/2010/Dec%202010/ ... dii_ka.htm
Qorilugud & Buhoodle to share Kalshaale
Moderator: Moderators
Qorilugud & Buhoodle to share Kalshaale
Last edited by Siciid85 on Wed Dec 08, 2010 4:01 pm, edited 2 times in total.
Re: Qorilugud & Buhoodle to share Kalshaale
Waxaannu go’aaminnay sidan:
1- In 10ka nin ee ay kala dileen oo toddoba u dhalatay beesha Qorilugud, saddexda kalena beesha Buuhoodle, laga bixiyo mag culus ( muqalladah), oo ninkiiba yahay: 100 halaad oo kala ah: 40 halaad oo rimman, 30 qaalmood oo 5 jir ah , iyo 30 qaalmood oo 4 jir ah, bixintuna tahay mag dharaareed( xaallah).
2- In ragga ka dhaawacan labada dhinac la kala xaqdo marka ay bogsadaan, kuwaasoo kala ah: beesha Qori lugud 6 nin, beesha B/hoodlena 3 nin, xaqooduna waa diyo culus( muqalladah).
3- In wixii hanti ah ee sugma , beel waliba u celiso tan kale wixii ay leedahay.
B- Balliga Kalshaale:
1- In beelina si gaar ah aanay u lahayn Baligaas , isla markaana ay wadaagaan labada beelood biyihiisa, daaqiisa iyo degaankiisaba..
2- In beesha Buuhoodle ay xaq u leedahay inay ka qodato dhinaca kale ee balliga saddex berkadood, beesha Qori lugudna leedahay saddexdii ay horey u qodatay.
3- In aan lagu darin dhisme Magaalo ah iyo Baraago kale midna maadaama ay goobtu tahay dhul daaqeed

waxaa caruurtuna kuma sheegeyso. waasi macquul ma ah ee maxadhaqameedka gobolada waqooyi iyo wadado ku sheega meesha jooga qoryo iyo majarafado ha qateen oo beesha reer burco ha la qodeen kalshaaleB- Balliga Kalshaale:
1- In beelina si gaar ah aanay u lahayn Baligaas , isla markaana ay wadaagaan labada beelood biyihiisa, daaqiisa iyo degaankiisaba..
2- In beesha Buuhoodle ay xaq u leedahay inay ka qodato dhinaca kale ee balliga saddex berkadood, beesha Qori lugudna leedahay saddexdii ay horey u qodatay.

Last edited by malakumod on Wed Dec 08, 2010 5:33 pm, edited 1 time in total.
Re: Qorilugud & Buhoodle to share Kalshaale
Liqaaye & GeneralSNM. Must be over the moon.
What tribe was the Sheikh who made the final decision?.

Re: Qorilugud & Buhoodle to share Kalshaale
There was alot of Suldaans there from most of the regions in Somaliland even the Awdal Suldaan's.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 780 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu
-
- 5 Replies
- 858 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 15 Replies
- 1148 Views
-
Last post by Hulkujir
-
- 0 Replies
- 873 Views
-
Last post by bashe19
-
- 5 Replies
- 1370 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 5 Replies
- 989 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 20 Replies
- 2033 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 14 Replies
- 1121 Views
-
Last post by udun
-
- 4 Replies
- 483 Views
-
Last post by original dervish
-
- 22 Replies
- 1471 Views
-
Last post by original dervish