So far six districts within the city raided that are located in East Bosaso. The raids will continue and eventually reach the entirety of Bosaso City in the coming days.

Ciidamda AMaanka Magalada Boosaso Oo Maalinti Labaad Howlgalo Ka Wada Gudaha Boosaso.
Boosaso ( RBC Radio ) Ciidamada amaanka magalada Bosaso ayaa waxaa ay Gudaha Boosaso Ka Bilaaben Howlgalo ay Ku sugayaan AMaanka waxana Howlgalkani Uu Yahay Mid Baaritaan Loogu Sameynayo Xaafadaha Kala duwan ee Magalda bosaso.
Ku Dhawaad Lix Xaafadood oo Boosaso ah ayaa waxaa ka socday Maalinti shalay Galinkeedi Danbe Howlgalo AY Ciidamda ku Baarayaan xaafadaha Bariga magalada bosaso isla Markaasina Howlgalkani Saameyn Doono Guud ahaan Xaafdaha Magalada bosaso.
Taliska Ciidamda Amaanka Gobolka Bari ayaa ka gaabsaday in AY Faah Faahin Ka Bixiyaan Howlahani Dhinaca Amniga waxaana ay Sheegen in ay Ka Hadali Doonan Marka howshani soo DHamaato Isla markasina Saxafada u soo bandhigi doonan Waxqabadkooda.
Dhiniciisana Gudoomiyaha gobolka Bari C.xaafid Cali Yusuf ayaa sheegay in Howshani Baaritaanka ah ay Tahay Mid Lagu Doonayo In Lagu Hakiyo Falalka amaan Darida ah Ee Ka Jiray Dhawaanahan Magalada bosaso
Isla Markaasina lagu Soo Qaban Doono Dadka Ka danbeya Arimaha amaan Darida ee DHawanahan Ka dhacayay Bosoaso.
Ugu danbeytiina Dadka La Qabtay AYaa warar Hoose Oo Qaybaha amaanka Ka helnay Waxaa ay SHeegayaan in ay kor u Dhaafayaan 250 Ruux Oo Dhamaantood Loo dhaadhiciyay Saldhiga Bartamaha Boosaso Halkaasi oo lagu Hayo Sida Uu Xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali yusuf.
RBC Radio Boosaso