Published on December 3, 2010 by Taleex Media
Hogaankii oo sida laga warqabo ku fashilmay ujeedadii loo abuuray, kuna guul daraystay inuu cududa iyo maskaxda dadaweynaha hantiyo, waxaa inoogu danbeysey isagoo u anbabaxay dalal aan wax kaga xidhani jirin.
magac raadin iyo sawiro lala galo dad kale ayay u qabaan inay aqoonsi ku helayaan. Waxay iloobeen in been abuur danbe oo u hirgeli karaa uu aad u yaryahay, markii ay baneeyeen goobihii laga filayey inay ka dagaal galaan. Kalshaale iyo degaanka Cayn oo dhan Hal Askari oo u jooga waa laga waayey marka laga reebo sadex baabuur oo ardaayo beesha SSC ka tirsan ka kala yimid, iyagana loo diiday inay ku milmaan boqolaalka shicibka ah ee hubka u gurtay difaaca dalka.
Iyagoo ogsoon in cudud iyo talo ay degaanka wax tar ugu geystaan aany hayn, waxay sidii looga bartay caadaysteen inay khakhal geliyaan ujeedada dadka, kuna kacaan falal kasoo horjeeda danaha dadku leeyahay, sidii weeraradii Widh-Widh iyo Xadhadhanka ay ku qaadeen, iyagoo uga jeeday Anna-Way-Kan. Maantana markii ay arkeen in loo wada qurmay dagaalka la oogey, isla markaana wax awood ah oo ay ku sameeyeen dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ka uruursadeen Qurba Joogta daacadda ah, waxay bilaabeen inay dagaalkii kusoo celiyaan guryaha iyo gudaha magaalada Buuhoodle, iyagoo uga jeeda Wallee-Lama-Dego. Lacagtii ay ku bixin lahaayeen Saanada, Gaadiidka iyo Ciidan xoog leh markii ay lunsadeen, gabaabsina noqotay, awoodoodii waxay ku soo ekaatay inay gataan dhagxaan loo dhiibo wax-ma-garato iyo maato laguna tuurtuuro Masaajid Jaamaca buuhoodle iyo guryo odoyaal ka tirsan beesha ay leeyihiin, oo markaas ku maqnaa madasha shirka nabadda ee Maygaagle. La yaab ma laha inay taa maanta ku kacaan, wayo wax ka fiican oo hore looga bartay ayaan jirin, waayo horaa loo yidhi ninku hadduu seexdo oo soo tooso waa isla isagii, wax Hogaanka iyo Odayaashii la ambaday iska bedeley ma jiraan. Waxaa Mid ka mid ah waalidiinta dhalinyarradda dhagaxa tuurayey, inankiisu uu usheegay amarka iyo dhaqaalaha abaabulka fidmadu ka yimid debadda.
Sida aanu uurkooda u caafimaad qabin , Hogaanka iyo inta hagoogta u saartay , ayay dadka kale oo dhan kii talaabo qaada moodayaan inuu sidoodii mugdi marayo, waxna hullaabta ugu qarsoon yihiin. Haraaga hadda jooga magaalada gudaheeduna waa war-tebiye yaal gudbiyo wixii af-garasho ah ee la gaadho u gudbiyo Afrikada Bari iyo Dalka Ingriiska, waxaana eedaas wax ku leh odayaasha beesha ee u ogolaaday dad nabadda qas iyo qalaanqal kula jira inay joogaan magaalada. Haddana waxaa talo ah:-
1. In Sadexda Hogaanka u jooga magaalada Buuhoodle mid walba loo diro degaankiisii ama talada uu sheeganayo dhulka dhigo.
2. In ciidan isku jir ah, kana kooban bulshada degaanka magaalda la abaabulo, ciddii danbe ee ku kacda falal aan dadweynuhu raali ka ahaynna lagu hubsado xabsiga.
3. Labadaa qodob haddii aanay suurtageli karin, waxaa ina qabanaysa odhaahdii ahayd – ama ina daaya waa wada qabnaa daawshiyo ceeb eh.
Qore: Ahmed Adam, Buhodleh, Cayn Region
kalshaale@yahoo.com
http://taleex.net/2010/12/03/walee-lamo-dego
Walee Lama Dego
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Re: Walee Lama Dego
Waxay qoladii la odhan jirey SSC Hogaanka Trick warkeedu isugu soo biya-shubtay "Walee Lama dego" iyo "haddii aan waayey waa ciideyn"
Sawiradii faraha badnaa ee la iskaga qaadayey qurbaha waxay noqon weydey enough. Hadda dhulkiiba ka haajire oo waxay wareegayaan hudheelo Nairobi ku yaala.
Waxay cadaanaysa wixii lagu tuhmayey oo aheyd inay u shaqeeyaan sirdoonka SL oo ay soo horkacayeen ciidanka SL markii gobolkii lasoo hujuumayna inay u barakaceen xagaa iyo hudheelo Nairobi ku yaala. Wararkii ugu danbeeyeyna waxay sheegayaan inay Siilaanyo Ingiriiska kula shirayeen xagan Nairobina telephoono kalalinayeen.
Waxaanay ogayn kuwan ehelkood lugooynayaa in Dhulbahante Oodeed ahaayeen weligoodba rag Alle isku xidha oo cadow kastana iska dhiciya. Waxay moodayaan colkan ay soo horkaceen inuu caasimada Buuhoodle qanbsanayo laakiin inshallaah maydkoodu tarab tarab u dhici cadowga ay soo horkacayaan.
Waxay moodayaan kala-jebinta ay isku deyayaan inay reerkan Dhulbahante kala jebinayaan inaan la garanayn. Mad-madoobe Alle baa ku yaqaan. Waa la idin og-yahay.
"Booraan hadimo ha qodin, haddii aad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana mooye" bay ahayd maahmaahi. Kuwani inshallaah booraanta ay reerka u qodayaan iyaga haku ekaato.


Sawiradii faraha badnaa ee la iskaga qaadayey qurbaha waxay noqon weydey enough. Hadda dhulkiiba ka haajire oo waxay wareegayaan hudheelo Nairobi ku yaala.
Waxay cadaanaysa wixii lagu tuhmayey oo aheyd inay u shaqeeyaan sirdoonka SL oo ay soo horkacayeen ciidanka SL markii gobolkii lasoo hujuumayna inay u barakaceen xagaa iyo hudheelo Nairobi ku yaala. Wararkii ugu danbeeyeyna waxay sheegayaan inay Siilaanyo Ingiriiska kula shirayeen xagan Nairobina telephoono kalalinayeen.
Waxaanay ogayn kuwan ehelkood lugooynayaa in Dhulbahante Oodeed ahaayeen weligoodba rag Alle isku xidha oo cadow kastana iska dhiciya. Waxay moodayaan colkan ay soo horkaceen inuu caasimada Buuhoodle qanbsanayo laakiin inshallaah maydkoodu tarab tarab u dhici cadowga ay soo horkacayaan.
Waxay moodayaan kala-jebinta ay isku deyayaan inay reerkan Dhulbahante kala jebinayaan inaan la garanayn. Mad-madoobe Alle baa ku yaqaan. Waa la idin og-yahay.
"Booraan hadimo ha qodin, haddii aad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana mooye" bay ahayd maahmaahi. Kuwani inshallaah booraanta ay reerka u qodayaan iyaga haku ekaato.
Re: Walee Lama Dego
Bintu-Udun is so obsess with SSC affairs, Bintu Udun give it a rest
Re: Walee Lama Dego
You seem to be carrying a gaal's name. Is that the one that molested you? Shut your traphole idiotMorrison wrote:Bintu-Udun is so obsess with SSC affairs, Bintu Udun give it a rest

Re: Walee Lama Dego
^ If that is a gaal name what is Puntland?
There is no such thing as gaal or muslim name.

Re: Walee Lama Dego
Ok Morrison is your other name gabadha uu Gurguurte awoowga u yahayeey; Haye, avatarkaagii adoo qaawana waad tuurtayExecutive wrote:^ If that is a gaal name what is Puntland?There is no such thing as gaal or muslim name.


Re: Walee Lama Dego
I see dumb Binti-udun and qawmuluud is the only culture some people haveudun wrote:Ok Morrison is your other name gabadha uu Gurguurte awoowga u yahayeey; Haye, avatarkaagii adoo qaawana waad tuurtayExecutive wrote:^ If that is a gaal name what is Puntland?There is no such thing as gaal or muslim name.
![]()
Re: Walee Lama Dego
You wouldn't carry a gaal's name if you were not a qawmaluud, so you would have already proved my point you b-tch from hell. OK Morrison aka Executive aka gabadha uu Gurguurte awoowga u yahay, before it was you claiming to be a man, then the avatar that you showed your body while you are naked, and now is Morrison name, so the question is what is next??Morrison wrote:I see dumb Binti-udun and qawmuluud is the only culture some people haveudun wrote:Ok Morrison is your other name gabadha uu Gurguurte awoowga u yahayeey; Haye, avatarkaagii adoo qaawana waad tuurtayExecutive wrote:^ If that is a gaal name what is Puntland?There is no such thing as gaal or muslim name.
![]()



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 689 Views
-
Last post by Voltage
-
- 10 Replies
- 1947 Views
-
Last post by sahal80
-
- 53 Replies
- 2442 Views
-
Last post by Madd_Scientist_
-
- 2 Replies
- 440 Views
-
Last post by bakoorad
-
- 67 Replies
- 3249 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 16 Replies
- 1228 Views
-
Last post by Gamadid.
-
- 4 Replies
- 356 Views
-
Last post by Murax
-
- 4 Replies
- 517 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 15 Replies
- 1845 Views
-
Last post by NGM