The people of banadir commited to clean enviroment

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

The people of banadir commited to clean enviroment

Post by Coeus »

Image

'Image

Image

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Hay’adda wadaniga ah ee SAACID ayaa howlo nadaafadeed oo ay bilowday 7-dii bishii November ee sannadkan kawadda degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu nadiifinayo goobo ay buuxiyeen qashin fara badan oo qaarkood sida buuraha u sameysmay, halkaasoo muddo dheer ay dadku ku daadinayeen qashinka.

Degmo kasta, oo uu ka socdo ololahan nadaafadeed ee ay waddo hay’adda SAACID ayaa waxaa ka howl-galaya 100-shaqaale ah oo ay Hay’addu ugu talo-gashay in midkiiba maalintii la siiyo 4-Dollar oo u dhiganta 120,000 Somali Shillin ah, si ay ugu noolaadaan maalintaas.

Hay'adda Saacid, ayaa u qoondaysay inay qashinka ka qaadaan laba gaari oo nooca iska rogaha ah oo maalintiiba loogu talo galay inuu maalintii qaado shan kaariko oo qashin ah, inta uu socdo ololaha nadaafadeed. Waxaana qashinkan lagu shubayaa god weyn oo ay hay'addu horay u qodday si qashinka loogu shubo, kaasoo laga qoday deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.
'
'Mas'uuliyiinta hay'adda saacid ayaa sheegay in tallaabadan ay ugu talogaleen sidii ay ku nadiifin lahaayeen Muqdisho, iyadoo lagu jir xilli ay milicda qorraxdu kulushahay. Sidoo kalana ay fooda nagu soo hayaan xiliyadii ay billaban jireen roobabka, taasoo keeni karta in qashinkaasi ay ka dhashaan cudurro halis ah oo wax-yeeli u geysan kara dadka iyo deegaanka.

Hay’adda wadaniga SAACID, ayaa ololaha ay ka bilowday degmooyinka Muqdisho, waxaa laga dareemay xaafadihii ay ka fuliyeen, kuwaasoo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah, goobahaasoo dadka ku nool ay aad uga caban jireen qashinka yaalla, oo meelaha qaarkood ka jaray waddooyinka.
'
'
'
User avatar
greenday
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12366
Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!

Re: The people of banadir commited to clean enviroment

Post by greenday »

Its nice to see the people in Somalia doing something.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”