Tababbarkan oo ku saabsan tayaynta iyo horumarinta waxsoo saarka beeraleydan, islamarkaasna loo yarayn lahaa baahida bulshadu u qabto waxsoo saarka dhulkooda iyo weliba in loo sameeyo beeraleydaas isku-xidhyo ururro-beereedyo ka turjumi kara guud ahaan baahiyaadka horumarka iyo isku xidhnaanta beeraleyda degmada Ceerigaabo ayaa waxa kkasoo qayb galay Madaxda wasaaradaha beeraha wada shaqaynta la leh Madaxda maammulka heer gobol iyo heer degmoba ee Ceerigaabo Beeraleyda degmada Ceerigaabo iyo Marti-sharaf kale oo badan, waxana halkaas guud ahaan lagaga hadlay sidii xag aqooneed iyo adeegyada kaleba kor loogu qaadi lahaa islamarkaasna la isugu xidhi lahaa bulshooyinka beeraleyda ku kala filiqsan degaannadaas oo xilligan aan wax wada shaqayn iyo isku xidhnaan toonnna ahi ka dhexayn taasoo wax badan ka qayb qaadata hoos u dhca wax soo saarka beeraleyda iyo suuq geynta dalagyada kala duwan ee ay soo saaraan.

Siciid Warsame Ismaaciil oo ah Madaxa hay’addan ADO ee gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlaya ayaa isagoo in badan ka hadlay horumarka la taaban karo ee hay’addiisu muddadii koobnayd ee ay Ceerigaabo degganayd u qabatay beeraleyda oo ay ka mid yihiin Negaynta, Nafaqaynta carrada, Daagagga biyaha qabta oo ay u adeegsadeen cagfaha waaweyn(Bildowsar), Biyo-mareennada, Mishiinnada dalagga raqda ee lagu samaysan karo cuntada qaybeheeda kala duwan iwm. Sidoo kalena sheegay beeraleyda ku dhaqan qaar ka mid ah degaannad Ceerigaabo oo ay ka sameeyeen isku xidhnaanta beeraleyda. Ayaa wuxu intaas kkusii daray in ay ku hawl-lan yihiin sidii bulshada beeraleyda ahi hadday heer degaannada gaar ahaaneed tahay iyo heer degmo iyo ilaa heer gobol u noqon lahaayeen kuwo isku xidhan oo xidhiidh iyo wada-shaqaynba wadaaga islamarkaasna horumar muuqda uga samayn lahaayeen waxsoo saarka khayraadka kala duwan ee beeraha kazoo bixi kara, taasoo uu sheegay hay’ad ahaan in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin sidii ujeeddooyinkaasi u noqon lahaayeen kkuwo laga midho dhaliyey.

Madaxda dhinaca xukuumadda iyo xubnaha kale ee iyaguna halkaas kka hadlay ayaa guud ahaan waxay hay’addan ADO uga mahad celiyeen waxqabadka muddadii ay halkaas degganayd ka samaysay dhinaca beeraha iyo dedaalka muuqda ee ay arrintaas ugu jirto, sidoo kalena waxay bulshada beeraleyda ah ku boorriyeen in ay ka faa’iidaystaan fursaddan dahabiga ah ee ADO ula tahay diyaarka taasoo lagu gaadhi karo horumar dhinaca waxsoo saarka waddanka ah islamarkaasna lagu yarayn karo guud ahaan baahida bulshadeennu arrintaas u qabto.
Sikastaba ha ahaatee tababbarkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa oo laga sameeyo degmada Ceerigaabo ayaa u muuqda mid bulshada fa’iido weyn u leh.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo.

