PIS puntland recapture Mogadishu port from local militan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

PIS puntland recapture Mogadishu port from local militan

Post by FBISOMALIA »

Image
Muqdisho (RBC) Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dekeda weyn ee magaalada Muqdisho iyo ciidanka PIS-ta ee nabadsugida ayaa maanta isku gadaamay dekeda Muqdisho halkaasoo shaley ay qabsadeen maleeshiyaad daacad u ah xildhibaan Maxamed Jaamac Furux.

Ciidamada Amisom iyo kuwa PIS-ta ayaa xiray guud ahaan waddooyinka soo gala dekeda, waxayna halkaasi ka bilaabeen hawlgal ay ku furayeen dekeda oo illaa shaley hakad ku jirtay.

Ilo wareedyo ku sugan agagaarka dekeda ayaa RBC Radiou sheegay in maleeshiyaadkii xildhibaan Furux oo ku sugnaa iridka hore ee dekeda ay isaga carareen goobta ka dib markii ciidamada Amisom iyo kuwa PIS-ta ay soo galeen waxayna maleeshiyada Furux halkaasi ka kexeysteen labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay wateen.

Ma jirin wax iska horimaad oo ka dhacay dekeda, waxaana waqti yar ka dib dib u bilawday shaqada dekeda.

Mid ka mid ah ragga xoogsatada ah ee ka shaqeeya dekeda Muqdisho oo aan telefoon kula hadalnay ayaa noo xaqiijiyey in xaaladu haatan caadi tahay shaqaduna socoto.

Warar RBC ay ka heshey masuuliyiin ka tirsan DKMG ayaa xaqiijinaya in saaka saraakiil ka tirsan dowlada amar ku bixiyeen in xoog lagu furo dekeda, taasina ay ka dhalatay hawlgalkan ay wada fuliyeen ciidamada Amisom iyo kuwa PIS-ta.

Xildhibaan Furux oo hadda ah mudane ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa shaley maleeshiyadiisu waxay qabsatay dekeda weyn ee Muqdisho iyagoo xiray albaabka dekeda, taasoo sababtay in shaqadii dekeda ay hakad ku jirtay illaa shaley.

Xildhibaan Furux mar uu shaley la hadlay RBC Radio wuxuu sheegay in sababta uu dekeda u weeraray tahay iyadoo ay jiraan musuqmaasuq ka jira dhaqaalaha dekeda. Wuxuuna ku eedeeyey madaxweyne Shariif in reerkiisa oo kaliya ay maamulaan dekeda, garoonka iyo gobolka Banaadir.

Ku xigeenka Maareeyaha dekeda oo RBC la hadlay ayaa sheegay in hadda dekedu caadi kusoo laabatay shaqadiina ay socoto.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho
is it good now to bring our soldier back or not....as we see if it happen the local milisha will come back just like 15 years ago :?
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”