Jubbaland Admin preperations continue smoothly

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by EEGA9 »

Magaaladda Nayroobi ee Caasimadda Kenaya Waxaa Ka Dhacay Shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Jubbaland Shirkan ayaa looga hadalayey Sii loo Anba qaadidi hawlaha la xidhiidha dhisida Maamul Gobaleedka Jubbaland, Shirka waxaa lagu qabtay Hotelka Nomad Ee Magaalda Nairobi.

Shirkaas waxaa ka qayb galay Culumawdiin, Ururada Bulshada Rayidka ah, Golaha Guuritida kumeel gaara ah ee Gobolada Jubbooyinka , Xubnaha maamulka Degmooyinka iyo marti Sharaf kale Waxaa la isku waydaarsaday Talooyin iyo warbixino ku aadan heerka ay marayaan hawlaha Maamul Gobaleedkaas.

Xidhiidhiyaha Mashruuca lagu dhisayo Maamul Goboleedka Jubbaland Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo furintaankii shirkaas Khudbad ka jeediyey ayaa si balaaran ooga hadlay heerka ay marayaan hawlah maamul Gobaleedka jubbaland.

Prof Gaandi Waxuu kasoo qayb galaasha shirka u faah faahiyey u jeedada laga leeyahay Dhisida Maamul gobaledka jubbaland ,wuxuuna sheegay in ay tahay mid salka ku haysa Siyaasada xukuumada soomaaliya ee Fedaraalka ah.
“ Waxaa naga hor yimid hawlahan Caqabado badan oo isugu jiray kuwo siyaasi ah iyo kuwo bulsho, balse dhamaantood waan ka guuleysaney “ ayuu yiri Prof Maxamed Cabdi Gaandi .

Profku wuxuu ugu baaqay qaybaha ururada bulshada, Culima awdiinka,Aqoonyahanahada Iyo Ganacsatada Beelaha ku nool Jubbaland in ay u istaagaan sidii habsami loogu fulin lahaa barnaamijyada ku aadan dhismaha maamul Gobaleedka jubbaland taas oo uu sheegay in ay wax badan ka badaleyso Arimaha dhaqaalaha, Amaanka iyo Bulshada Deegeenada uu ka koobanyahay maamulka jubbaland.

Wuxuu kaloo Shirka ka akhriyey Taariikhda Sooyaalka umada soomaaliyeed iyo xiriiradii ay la lahaayeen bulshooyinka Caalamka iyo sida loogu baahanyahay uruurinta Taariikhdaas.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Ku meel gaarka ah ee Jubbaland Sh. Khaliif Guure Cali oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa ka warbixiyey Xiriir uu gudiogoodu la leeyahay qaybaha bulshada ku nool Jubbaland iyo sida ay oogu faraxsanyihiin heerka xiligan ay marayaan Hawlaha lagu dhisayo maamul Gobaleedka loo bixiyey Jubbaland .

Gabagabadii Shirka waxaa laga akhriyey Warmurtiyeed ay soo saareen ka qayb galayaashii shirka oo ka koobnaan qodobo ay ka mid yihiin In la xoojiyo midnimada Shacabka deegaanada Jubbaland, in nabad lagu soo dabaalo Gobaldaas iyo in maamul Cadaalada ku dhisan ay yeeshaan Gobolada Jubbaland.

Mudada u socoday Shirku waxaa ka qayb galayaashu ay mar walba isku dhaafsanayeen Fikrado iyo Tusaalooyin ay ku muujinayaan sida ay lam huraanka u tahay in la xoojiyo Xidhiidhka ka dhexeeya dadka dagan deegaanada uu ka koobanahay maamul Gobaleedka jubbaland.

Maamul Gobaleedka Jubbaland Waxa uu ka koobanyahay 3 Gobal oo kala ah Jubbada Hoose,,Jubbada Dhexe iyo Gedo kuwaas oo dhamaantood haatan ay Gacanta ku hayaan Maleeshiyada Al-Shabab .

Codka Jubbaland http://www.jubbalanddf.net
Nagala soo xiriir info@Jubbalanddf.net
Image
Image
Image
Image
Image
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by The_Patriot »

waxa kacabadhiyey Zenawi :lol: :lol: :lol: :lol:

@ least Gandi wuxun bu sameystey :up: 8-)
Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by Faranacab »

Nabadu waa Godob La'aan
Nabadu waa Gacal is Jecel
Nabadu waa Guul Midnimo
Garsooriyo waa Xornimo
Gudooniyo waa Heshiis

Allow Garansii Bulshada
Wax Yeelada Gumaysigiyo
Inaysan Gobanimadu Wax
La is Garab Dhigo Ahayn


Jubaland, Ghandi. :up:
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by Advo »

Horta I know both Absame and SADE want to create Jubbaland state, wouldnt it be wise if both camps work together to create a shared maamul along with other locals. The land is big enough for everybody.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by Hyperactive »

Advo wrote:Horta I know both Absame and SADE want to create Jubbaland state, wouldnt it be wise if both camps work together to create a shared maamul along with other locals. The land is big enough for everybody.
ever city in somalia, leave alone a whole region is big enough for whole somalis!! but greedy so called clan politician/warlords try to use people for their advantage and their love for fake power!!

hebel land bey meal walba la taganyihin!! qabyaladu wa disease.
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by EEGA9 »

Advo Gandi is the man that will unite Jubbaland, have no worries.
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: Jubbaland Admin preperations continue smoothly

Post by Advo »

EEGA9 wrote:Advo Gandi is the man that will unite Jubbaland, have no worries.
:lol: and he will miserably fail just like all the others who tried to do it themselves. You need everybody on board.


Hyper, I know man...there are countries much smaller than Somalia with population 10 times more, greedy-nimo ka daran walle.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”