Ciidamada amaanka puntland ee degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag ayaa bilaabay howlgalo ay ku qabqabanayaan kooxaha Burcadbadeeda oo dhibaato halkaas ku haya.
Duqa degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag Yuusuf Jaamac ‘Dibad’ oo la hadlaayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in howlgaladaan ay bilaabeen dhowaan isla markaana ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay soo afjarayaan kooxahaas.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay sameyeen howlgalo balaaran isla markaana ay ku bacsadeen rag looga shakiyey in ay gacan ku leeyihin falalka Burcadbadeednimada.
Duqa degmada Laasqoray waxaa uu tilmaamay in howlgalkaan ay qayb ka yihin dadka degaanka isagoo sheegay in marnaba loo dulqaadan doonin dhibaatooyinka Burcadbadeeda.
Dhowaan ayay ahayd markii xeebaha degmada Laasqoray meel u dhow kooxo loo maleynaayo in ay yihin Burcadbadeeda ku dileen kaluumaysato u dhalatay dalka Yemen.