
Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ka mid ahaa Saraakiishii u sareysa Xisbul Islaam ayaa dib mar kale uga soo muuqday Xisbiga, kadib markii shalay lagu arkay Kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Saraakiisha sar sare ee Xisbul Islaam.
Muuse Caraale oo horaantii sanadkan isaga baxay magaalada Muqdisho ayaa qabtay dalalka Sudan iyo Eritrea oo markii dambe lagu xiray xuduuda labadaas dal, ha yeeshee waxaa uu sii maray dalka Kenya
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Muuse Caraale bil ka hor uu ka soo laabtay Eritrea, ha yeeshee lama oga halka uu ka soo galay, waxaase laga war helay isagoo jooga qeybaha ay ka arimiyaan Xisbul Islaam.
Caraale ayaa la goostay lacago fara badan oo uu ka helay madax furashadii lagu sii daayay Sarkaalkii Faransiiska ee Xisbiga gacanta ku hayeen, iyadoo sarkaalki kale ay Shabaab gacanta ku heyso ilaa iyo iminka.
Kulankii shalay ee Xisbul Islaam yeesheen ayuu ka mid ahaa xubnaha ku ray'yiga noqday Sheekh Xasan Dahir, kaas oo ahaa in la difaaco goobaha Xisbiga u soo haray, inkastoo wadaadka kale ee ka mid ahaa Ciidamadii Kumaandoska Dowladii Siyaad Barre C/qaadir Kumaandoos uu ka soo horjeestay qorshaha is difaacida.
Muuse Caraale ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ku lahaa dagaaladii kumanaanka ruux ku barakaceen ee sanadkii hore ka dhacay deegaanadii nabdoonaa ee Waqooyiga Muqdisho.
Lama oga waxa uu ku soo kordhinayo Muuse Caraale Xisbul Islaam oo hada dad badan ay aamisan yihiin inay joogto waqtigii bur burka, kadib markii deegaano badan lagala soo wareegay.