Hayland iyo Qardho: Rivals Shiir- Dubays and Ciisman Maxmoud

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Hayland iyo Qardho: Rivals Shiir- Dubays and Ciisman Maxmoud

Post by muftaax »

Shirkii Beelaha Qardho iyo Hayland lagu Dhex dhexaadinayay ayaa Maanta ka Furmay Magalada Carmo waxana Shirkaasi Goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka Tirsan Dawlada PL Sida W/Xigeenkii Amniga C/Saaq Xareed Ismaaciil iyo Gudoomiyaha Gobolka Sheekh C/Xaafid Cali Yuusuf,waxana Shirkaasi Sidoo kale ka dhex Muuqanayay Ismada Beelaha Harti qaarkood.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasin Ugaaska Beesha Ahmed Harti [Dishiishi] ayaa Furay Shirkaasi isaga oo ugu baaqay Beelaha Walaalaha ah inay ilaaliyaan Daris Wanaagsa isla markaana Shirkan uu Noqondoono mid Midha Dhal Fiican leh.

Masuuliyiinta Hadashay waxa ka mid ah Duqa Magaalada Carmo, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo dhamaantood sheegay Muhiimada Shirkan.

Odayaasha Dhahar ee Xarunta Hayland ayaa waxa aad looga dhex Arkayay Duubab uu ka Mid yahay Oday Waraaba Cade iyo Caaqil Axmed Siciid Madaxay oo ka mid ah Odayaasha Hayland ee aadka loo Tix Galiyo.

Beelahan Qardho iyo Hayland ayaa Horay Xurguf u soo kala Gaadhay waxana in badan dhex dhexaadiyay Odayaasha Laba dhinac walow Guul laga gaadhi waayay.

http://galgalanews.com/?p=7646
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”