Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Muqdisho, isagoo kulan la qaatay golaha wasiirrada xukuumaddiisa.
"Ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi, ayaa maanta Muqdisho kusoo laabtay, kaddib safarro uu kusoo kala bixiyay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno ka tisran dowladda," ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenku, wuxuu intaas ku daray in ra'iisul wasaaruhu uu ka qaybgalay kulan ay yeesheen golaha wasiirrada, kaasoo looga hadlay shaqaaqo toddobaadkan ka dhacday dekedda Muqdisho, iyadoo lagu go'aamiyay kulankaas in tallaabo sharci ah laga qaado ciddii ka dambeysay qalaanqalka la geliyay howlaha dekedda.
Goobdoon, ayaa intaas ku daray in ra'iisul wasaaruhu uu ka warbixiyay safarradii uu kusoo kala bixiyay dalalka Soomaaliya dariska la ah, kuwaasoo ujeedooyinkii laga lahaa lagu soo guuleystay.
"Mudane Farmaajo, wuxuu sheegay inuu dalka Itoobiya kula kulmay madaxda Afrika qaarkeed, uuna si gaar ah madaxweynaha Burundi uga helay ballanqaad ah, inuu gacan ka siinayo xukuumadda Soomaaliya sidii ay nabadda kusoo celin lahayd," ayuu yiri Goobdoon.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa safarrada uu toddobaadkan kusoo marayay dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii Oktoobar ee sannadkan.
Farmaajo is back in Mogadishu
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 1251 Views
-
Last post by DaahirMursal
-
- 0 Replies
- 471 Views
-
Last post by anzeloti
-
- 2 Replies
- 526 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 3 Replies
- 527 Views
-
Last post by anzeloti
-
- 13 Replies
- 1140 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 2 Replies
- 451 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 15 Replies
- 1793 Views
-
Last post by original dervish
-
- 4 Replies
- 760 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 22 Replies
- 3854 Views
-
Last post by MajorIgaare
-
- 5 Replies
- 810 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu
