
some pic for the newsTabbabar ayaa maanta Hoteelka Jubba ee magaalada Bosaaso uga furmey warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland,waxaana tababarka soo qaban qaabisay Ururka MAP iyadoo oo kaashanaysa Hay’ad lagu magacaabo PRESS NOW.
Tababarkaan ayaa waxaa loo qabanaaya Agaasimeyaasha iyo Tifaftireyaasha warbaahinada Puntland,waxaana u socon doona mudo 5-maalmood.
Xogheyaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in ujeedka tababarkaan uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta.
Macalinka tababarkaan bixinaaya oo ka yimid dalka Holland ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ka qaybgalaaya tababarkaan in ay ka faa’ideystaan casharada la bixin doono mudada u soconaaya.
Ma ahaan markii u horeysay qaybaha warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland loo qabto tababaro kor loogu qaadayo xirfadahooda.
Horseed Media

the right person in the picture he is the directer of horseedmedia that puntland but him in jail before isee the guy make imprassive ways now



the professor from holland (Netherlands)