Garowe (RBC Radio ) Waxaa Caawa Magalada Garowe ee Caasimada Puntland Soo Gaaray Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf Oo Ka soo Kicitimay Magalada Boosaso ee Xarunta Ganacsiga puntland.
Imaanshaha Gudoomiyaha Ee Magalada Garowe ayaa waxaa ay Ku Aadan Tahay Taageero Siinta Xulka Gobolka Bari Oo maalinta Bari Ciyaari Doono Koobka Gobolada somalia ee Ka socda Magalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Horay waxaa Magalada Garowe Ee Casimada Puntland Ugu Suganaa Ku Xigeenka Duqa Boosaso C/qadir Yusuf Iyo Isuduwaha dowlada Hoose Gobolka Bari o Qayb Ka Ahaa Dhiiri galinta Xulka Gobolka bari Waxaana La filayaa in Maalinta Bari ah Ay Daawadan Ciyaarta Xulka Gobolka Bari Uu La Qaadan Doono Jubada dhexe Labada Duhurnimo.
we will win Mayer don't worry of the champions
