Waan ka Cudur-daartay in aan Wakhtigan Xil ka Qabto Xisbiga UDUB, Mana ihi Afhayeenka xisbiga.. Lamana Joogo in Xiligan la Dhaleeceeyo Xukuumadda Cusub’
Cismaan-hindi oo ka hadlay aragtidiisa ku waajahan siyaasadda xiligan ee Somaliland, khilaafka Golaha Wakiillada, diyaaradda lagu hayo madaarka, kartida iyo caafimaadka wasiirka maaliyadda
“Dadweynuhu way ku ammaanan yihiin in shalayna anaga na doorteed oo aanu kalsoonidooda ku fadhinay, maanta ay naga digo rogteen oo xukuumadda cusub ku fadhido kalsoonida ummadda iyo taayadaba”
“Xoogga ugu wayn ee xisbi ridi kara mid kalena guul siin karaa waa doonista ummadda, sida runta ahna”
Waraysi khaas ah; Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi)
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyihii ololaha xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), ayaa ku dhawaaqay in aanu ahayn afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, isaga oo xusay inuu ka cudur-daartay inuu xiligan wax xil ah ka qabto UDUB, waxaanu sheegay in Muj. Cali Yuusuf Maxamed (Cali Guray) oo dalka dibadda kaga maqan yahay afhayeenka dhabta ah ee xisbiga UDUB.
Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo xalay Jamhuuriya ugu waramay hudheelka Crawn ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in aan xiligan loo baahnayn in la dhaleeceeyo xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo, balse ay darruuri tahay in la siiyo wakhti ku filan oo lagu qiimayn karo waxqabadkeeda, isaga oo mudanayaasha wakiillada ugu baaqay inay khilaafkoda ku dhamaystaan sifo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka golahooda u yaal, waxa kale oo uu Illaahay uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad caafimaad loo geeyey dalka Jabuuti.
Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo toddobaadkan Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB u magacaabay afhayeenka xisbiga UDUB, ayaanu waydiinay sida uu arko xilka afhayeenimo ee loo magacaabay, maadaama uu Muj. Cali Guray ahaa afhayeenka xisbiga UDUB, isaga oo arrintaa ka jawaabayeyna waxa uu yidhi;
“Horta maalin dhawayd Saxansaxo waxay qortay in laga takhalusay afhayeenkii xisbiga UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), waxaanse jecelahay in aan si cad ugu sheego ummadda reer Somaliland, saxaafadda iyo bahwynta UDUB in Mujaahid Cali Guray yahay afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, haddii saxaafadu si qaldan wax u faafisayna waxaan u sheegayaa in maadaama Cali Guray dalka ka maqan yahay loo baahday ruux caan ah oo xisbiyahan ah oo afka xisbiga ku shaaciya liiska guddiyaddii toddobaadkan Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB sida ku meel-gaadhka ah u magacaabay, maalintaasi oo qudha ayaan afka xisbiga ku hadlay oo la ii igmaday.
Muj. Cali Guray oo xisbiga UDUB iyo taageerayaashaba ka mudan qadarin iyo qiimo weyn, isla markaana reer Somaliland oo dhan ku leh dayn badan, maadaama wakhitiigiisii qaaliga ahaa u soo huray halgankii dalka dib loogu xorreeyey, waxa uu ahaa ninka xisbiga ugu mudan inuu ahaa, isla markaana yahay afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, sidaa darted waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in aanan ahayn afhayeenka UDUB oo uu xilkaa hayo muj. Cali Guray,” ayuu yidhi; Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi).
Cismaan-hindi oo aanu waydiinay in markii hore ee xilka afhayeenka UDUB loo magacaabay in lagala tashaday iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Sida ku cad liiska guddiyada lagu faafiyey, waxa ku qoran xafiiska afhayeenka xisbiga, laakiin maaha afhayeenka xisbiga, maadaama uu Cali Guray maqnaana waa inuu jiraa ruux ku dhawaaqi kara liiska guddiyada la magacaabay, markaa anigu waxaan ku hadlayey afka xafiiska afhayeenka UDUB, sidaasaana magacayga loogu qoray liiska ee anigu ma ihi afhayeenka xisbiga.”
Waxa kale oo aanu Cismaan Cabdillaahi Cigaal weydiinay inuu ummadda u caddeeyo xilka uu hadda ka hayo xisbiga UDUB, maadaama uu sheegay in aanu ahayn afhayeenka UDUB, isla markaana aanu meel kale kaga qornayn liiska guddiyada la faafiyey, isaga oo arrintaa ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Sida runta ah waad aragtay in aanan meel kale liiska kaga qornayn¸anigaana hore uga cudur-daartay in aanan wakhtigan xaadirka ah diyaar u ahayn in aan xil u qabto xisbiga UDUB, sababtoo ah waxa ii yaal hawlo badan iyo shaqooyin ii gaar ah oo dhamaystirkoodu wakhti badan iiga baahan yihiin. Sidaa darteed maadaama in aad xisbiga xil u qabataa u baahan tahay in aad wakhti badan u hurto, guddiyadan la magacaabayna yihiin gudiyo ku-meel-gaadh ah oo cimrigoodu aanu ka badnayn saddex bilood si ay u dardargeliyaan hawlmaalmeedka xisbiga, ayaan anigu uga cudur-daartay in aan wax xil ah qabto.
Markaa xiliga aan hawlahayga gaarka ah soo dhamaysto, diyaar waxaan u ahay in aan waajibkayga masuuliyadeed ee xisbinimo aan guto. Laakiin xiligan aan hawlahayga gaarka ah ku jiro waan ka cudurdaartay in aan wax xil ah ka qabto xisbiga UDUB.”
Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo aanu waydiinay aragtidiisa ku aadan marxalada siyaasadeed ee xiligan ku jirto Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Waad ogtihiin oo raggii ugu hor hambalyeeyey xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo ayaan ka mid ahaa, ummadda reer Somaliland-na hore ayaan ugu mahadnaqay inay codkooda iyo fikirkooda xor u yihiin inay muujiyaan oo kolba xisbiga ay u arkaan inay danta ummadu ku jirto taageeraan, dadweynuhuna way ku ammaanan yihiin in shalayna anaga na doorteed oo aanu kalsoonidooda ku fadhinay, maanta ay naga digo rogteen oo xukuumadda cusub ku fadhiyo kalsoonida ummadda iyo taayadaba.
Waxaan soo dhawaynayaa wanaagkasta oo xukuumadu ku kacdo, mucaaridnimadayaduna noqon mayso mid wax dumisa ee waxay noqonaysaa mid wax dhista oo waayo-aragnimada ayaa na bartay in mindi mindo ku tag iyo yooyootankii aanu anfac u lahayd dalka iyo dadkaba. Duruufaha siyaasadeed ee maanta dalku marayana haday tahay mid dhaqaale, mid siyaasadeed, mid nabadgelyo iyo ictiraaf-raadinba waanu soo dhawaynaynaa dedaalka xukuumadda cusub ugu jirto ka midho-dhalinta arrimahaasi, lamana joogo in xiligan la dhaleeceeyo xukuumadda cusub, waxayna u baahan tahay in la siiyo wakhti ku filan si loo qiimeeyo waxqabadkeeda.”
Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo aanu weydiinay inuu sharaxaad ka bixiyo shirar si wada jir ah ugu socday labada xisbi mucaarid ee UDUB iyo UCID, iyo qodobo laga soo saaray oo saxaafaddu baahisay, waxa uu ku jawaabay; “Arrimnahaa iyo shirarkaasi weli way socdaan oo waa lagu guddo jiraa, waana shirar khuseeya doorashadda Golayaasha baarlamaanka iyo deegaannada iyo diwaangelintii xumaatay ee doorashadii madaxtooyada lagu galay, ilaa haddana way socdaan shirarkaasi iyo wadahadaladii, qodobada laga soo saaray ee labada xisbi isla qaateena waxay ahaayeen qaar hordhac ah oo u baahan in wali laga sii doodo oo wax go’aan ah may ahayn.”
Su’aal ahayd, ‘Xisbi ahaan diiwaangelintii dalka ka dhacday ee lagu galay doorashadii madaxtooyadda 26 June 2010 maxaad ka aaminsan tihiin?, waxa Cismaan-hindi kaga jawaabay; “Ma doonayo in wadahadalada socda ee labada xisbi mucaarid leeyihiin in aan ka sii hordhaco, laakiin sida lagu sheegay warbixin hay’adda ERIS ee sixitaanka diiwaangelinta gacanta ku haysay diiwaangelintaasi maaha mid rajo-wayn laga qabo in dib loo isticmaalo, maadaama khaladaad badan oo aan la sixi Karin ku jiraan.”
waxa kale oo Cismaan-hindi oo ahaa Guddoomiyihii UDUB ee ololaha doorashooyinka, sababta keentay guul-daradii xisbigooda la soo daristay iyo cidda ay UDUB ahaan u aanaynayaan, waxaanu yidhi; “Duruufaha iyo wakhtiga ayaa keena guusha iyo guul-darrada, cid xisbi ahaan aanu farta ku fiiqi karnaana ma jiraan ogaalkay, dedaal naguma yarayn, laakiin xoogga ugu wayn ee xisbi ridi kara mid kalena guul siin karaa waa doonista ummadda, sida runta ahna adduunka kuma cusba in isbeddel dhaco marka xukuumadu tallada hayso muddo dheer. Waana wax caadi ah in dadweynuhu jeclaadaan wejiyo cusub iyo isbeddel. Wakhtigaana sheegi doona waxqabadkayagii iyo meesha aanu dalka gaadhsiinay oo aanu isleenahay waxba iskalamaydun hadhin sidii horumar dalka iyo dadka loo gaadhsiin lahaa.”
Guddoomiyihii ololaha xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), waxa kale oo waraysigiisa kaga hadlay xannuunka la soo darsay wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad caafimaad loo geeyay dalka Jabuuti, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Muj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, isla markaana u hawlyareeyo dedaalka xooggan ee uu ugu jiro kobcinta dhaqaalaha Somaliland oo ah tiirarkii ugu waaweynaa ee xukuumadda Siilaanyo iyo inay dalka ka hirgeliyaan isbeddel dhaqaale, iyada oo loo baahan yahay inay meeshii aanu dalka gaadhsiinay sare uga sii qaadaan, anaguna hoo iyo hiilba waanu la garab taaganahay in xukuumadda cusub ka dhabayso isbeddelka dhaqaale oo ah wixii ay ummadda u balanqaadeen xiligii ololaha.”
Cismaan Cabdillaahi Cigaal, waxa kale oo uu ka hadlay safaradii madaxweyne Siilaayo ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo madaxda dalalkaasi kuga mahadnaqay isla markaana ku hambalyeeyey sidii diiranayn ee wallaaltinimadu ka muuqatay ee ay u qaabileen wetigii madaxweynaha Somaliland ee booqashooyinka ugu tagay, isaga oo xusay inuu dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya ku ammaanayo sida ay sare ugu qaadeen xidhiidhkii ay la lahaayeen xukuumaddii madaxweyne Rayaale, xiligan ugu heelan yihiin inay sii joogteeyaan oo sare u qaadaan xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo.
Guddoomiyihii ololaha xisbiga UDUB oo aanu waydiinay aragtidiisa ku waajahan khilaafka u dhexeeya mudanayaasha Golaha Wakiillada, waxa uu ku jawaabay; “Horta arrintaasi waa mid u taal Golaha Wakiillada, waxaana loo baahan yahay in laga ilaaliyo faragelin dibadda uga timaad haday tahay xisbiyada iyo xukuumaddaba, iyagana waxaan leeyahay khilaafkiina ku dhamaysta si wallaaltinimo iyo isqadarin ku dheehan tahay, idinka oo ixtiraamaya xeerarka iyo shuruucda idiin yaal, idinka oo marwalba dantiina ka horraysiinaya danta dalka iyo dadka, waayo waxaad tihiin muraayadii wadanka, mana qurux badna in ummadii idin dooratay markasta aragto idinka oo yooyootamaya oo ishaysta, waxay idinka sugaysaa in aan meel marisaan wixii dadku idiin doortay, idinka oo ilaashanaya sharafta iyo karaamada aad dalka iyo dadka ku dhex leedihiin.”
Waxa kale oo Cismaan-hindi aanu waydiinay sida ay xisbi ahaan u arkaan diyaaradda saannada milatari u sida Maamul-goboleedka Puntland ee lagu hayo madaarka Hargeysa, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xukuumadda waanu ku garab taaganahay inay tallaabo cad ka qaado diyaaradda iyo ragga la socdayba ee ku soo xadgudbay qaranimada Somaliland, iyada oo callooshooda u shaqaystayaasha diyaarada la socdaa na xasuusiyeen gumaadkii iyo xasuuqii ciidankii Siyaad Bare u gaystay shacabka reer Somaliland, iyaga oo adeegsanayey calooshooda u shaqaystaal la soo kiraystay.”
Md Cismaan Hindi The Kulmiye Administration is Doing good
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- MujahidAishah
- Posts: 16995
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: Md Cismaan Hindi The Kulmiye Administration is Doing goo
Is cisman Hindi da reer nuux Ismail one by any chance coz if it's him i swear he was a doctor last time checked n he had da contract for being da miltary doctor ...daamn things change wen did he get in bolitic 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Md Cismaan Hindi The Kulmiye Administration is Doing goo
AishahWaqooyi wrote:Is cisman Hindi da reer nuux Ismail one by any chance coz if it's him i swear he was a doctor last time checked n he had da contract for being da miltary doctor ...daamn things change wen did he get in bolitic


- MujahidAishah
- Posts: 16995
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: Md Cismaan Hindi The Kulmiye Administration is Doing goo
Oppsie my bad loolz
goljano lion r u frm goljano hargeisa by any chance if so high five a sista we neighbours 


- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Md Cismaan Hindi The Kulmiye Administration is Doing goo





- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Md Cismaan Hindi The Kulmiye Administration is Doing goo
LiQaaye_TDH wrote:![]()
![]()
This Indian Boy is a Loser walllahi, he left Kulmiye and joined Riyaale Because he thought Silaanyo didnt have a Chance
and now When Silaanyo is in Power his trying to find his way back in to KULMIYE and Goverment---------------------


UDUB only has comedians left man, lets hope they will be able to establish some sort of a 'party' by 2014.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 414 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 459 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 3 Replies
- 568 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 83 Replies
- 21916 Views
-
Last post by Cherine
-
- 3 Replies
- 423 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 10 Replies
- 777 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 34 Replies
- 3611 Views
-
Last post by Mondey
-
- 7 Replies
- 697 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 15 Replies
- 2654 Views
-
Last post by salafi_student