Page 1 of 1

M. Puntland: Soomaali peace will come when outsider stop

Posted: Sat Dec 18, 2010 12:25 pm
by FBISOMALIA
Garowe (RBC Radio ) Madaxweynaha dowlada Puntland Oo Ka Hadalay Arimaha Ku Aadan Marti Galinta Koobka Gobolada Soomaaliya Ee Puntland Marti Galisay Ayaa waxaa Uu Soo hadal Qaaday Is Afgarad La’aanta Dadka Somalida Dhex Taal.

Madaxweyne C/raxmaan Maxmed Maxmuud ayaa sheegay in Dhibaatada Somalida ay Ka Dagi La’dahay Ay Tahay gacmo shisheeye Oo Faraha Kula Jira Somalia.

“Somalida Hadii Ay Heshiis U Soo jeesato Anaga Ayaa Marti Qaadi Doono Sida aan U Marti Galinay Shirar Kala duwan Oo Somaliweyn Leedahay” Ayuu Hadalkiisa Ku Yiri Madaxweyne Faroole.

Waxaa u Tusaale U soo Qaatay Shirarkii ay Lahaayen Hawenka Somalia Oo Lagu Qabtay Puntland Isla Markaasina Ka soo Qaybgaleen Haween Fara Badan Oo Somaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa Uu Carabka Ku Adkeeyay Sida lagama Maarmaan u Tahay In Gacmaha Shisheye Ee Somalida Ku Dhex Jira ka dhex Baxaan Si Shacabka Somaliyeed Arimohooda U Xalistaa.

isgona Sheegay In Puntland Diyaar U Tahay Wax Walba Oo Somalida Isku Keenaya Si dib Loogu Helo Qaranimadii Shacabka Somaliyeed.

Ugu Danbeytiina Puntland ayaa Hada Waxaa ay Marti galisay Ciyaarihii Gobolada Somalia Oo Mudo Hore U Danbeysay 1987 Xiligaasi Oo Ahayd Wakhti Aad U Fog Waxaana AMaan Ay Ka Heshay Puntland Dhamaan Dadka Daneya Arimaha Cayaaraha iyo Kuwa Nabada Jecel.