HIZBUL ISLAM JOINS AL SHABAB

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
XAGLATOSYIE
Posts: 106
Joined: Thu Dec 16, 2010 6:56 pm
Location: attacking an enemy does not know what to defend and defending of enemy does not know what to attack

HIZBUL ISLAM JOINS AL SHABAB

Post by XAGLATOSYIE »

Xisbul Islaam oo ku biiray Xarrakada Al-Shabaab

Axad, December 19, 2010(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xisbiga uu Hoggaamiyo Xasan Daahir Aweys ee Xisbul Islaam uu ku biiray Xarrakada Al-Shabaab oo gacanta ku heysa inta badan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ku biiritaanka Xisbul Islaam ee Al-Shabaab ay ka dambeysay kaddib markii ay labada dhinac in muddo ah u soo socdeen wada hadallo. Waxaa jiri doonta Xaflad ay labada dhinac ku shaacinayaan isku baaritaankooda, taasi oo qaban-qaabadeeda ay socoto.

Saraakiil sare oo ka tirsanaa Xisbul Islaam ayaa Xasan Daahir kula biiray Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in Ciidamadii uu Xisbiga lahaa ay iyana ku biireen Al-Shabaab. Horay waxaa Al-Shabaab ugu biiray Shiikh Xasan Turki oo ka tirsanaa Hoggaamiyayaasha sare ee Xisbul Islaam.

Guddoomiyihii Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ikhtiyaar siiyay ciidamadiisii, wuxuuna kala dooran siiyay in ay ku biiraan Al-Shabaab ama ay yeelaan wixii ay doonaan. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in fariisimadii ay Muqdisho ku lahaayeen Ciidamada Xisbul Islaam ay qaarkood la wareegeen Ciidamada Al-Shabaab.

Ku biiritaanka Xisbul Islaam ee Al-Shabaab ayaa waxay imaaneysaa iyadoo deegaanno badan oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegtay Xisbul Islaam.

Halkan kala soco wixii warbixin dheeraad ah ee dhaqdhaqaaqyadan ku soo kordha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: HIZBUL ISLAM JOINS AL SHABAB

Post by Blue_609 »

gadhcasse knew he was going down anyway so he ran to al shabab
User avatar
XAGLATOSYIE
Posts: 106
Joined: Thu Dec 16, 2010 6:56 pm
Location: attacking an enemy does not know what to defend and defending of enemy does not know what to attack

Re: HIZBUL ISLAM JOINS AL SHABAB

Post by XAGLATOSYIE »

Blue_609 wrote:gadhcasse knew he was going down anyway so he ran to al shabab
his clan ceyr habr gedir forced him all odds were against him either he would be killed by the youth or join the youth
is like get down or laydown thing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”