Barlamaanka Dawlada Puntland Oo Cod Uqaaday Mooshin Laga soo Gudbiyay Hay’ada WFB
Garowe(Puntlandi.com);- Mudanayaasha Barlamaanka Dawlada Puntland ayaa maanta codka uqaaday mooshin ay soo gudbiyeen xubna Barlamaanka katirsan oo ku aadanaa Bakhaaro ay hay’ada WFB ka hirgalinayso meel aan ka fogayn madaarka diyaaradaha magaalada Boosaaso taa oo latilmaamay in ay waxyeelo ugaysan karto duulimaadayada Garoonka.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray mudanayaal kor u dhaafaya ilaa iyo 40mudane waxaana ay aad uga doodeen arintan ugu danbayna waxaa laysku raacay in cod looqaado.
Guud ahaa mudanayaashii fadhigay ka qaybgalay ayaa isku raacay in Bakhaaradan laga raro Garoonka agtiisa qatarna ay keenikaraan.
Dhawaan ayaa mudanayaasha Barlamaanka waxaa su’aalo ka waydiiyeen aritan Wasiirada wasaaradaha Arimaha gudaha Beeraha iyo Duulista hawada waxaana qaarkamida wasaaradaha sheegeen in aysan laba socon halka qaarna sheegeen in Hay’ada WFP ay la soo socodsiiyay
they should do it before about 2 years not now ...anyway we hope WFP move them away from the city not near to it