Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afjaray
Moderator: Moderators
Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afjaray
Khilaaf Dhul oo u dhaxeeyay beelaha Musa Cabdale iyo Ugaadh Cumar oo la soo afjaray
Written by Qaran news
Dec 21, 2010
Waxa maanta si rasmi ah loo soo afjaray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega gobolka Oodweyne, khilaafkaasi oo salka ku hayay dhul ay beesha Muusa Cabdalle ee Habaryoonis ay damacsanyd in ay ka qodoto, deegaanka Bali Cigaake ee Oodwene xaga beesha kale ee ay Ugaadh Cumar ee isla Habaryoonis ay deegaankaasi u arkaysay in uu yahay dhul daaqsimeed isla markaasna aan loo baahnayn in wax deegaan ah aan laga sameeyo, ayaa suldaan C/raxaam waxa uu daaha ka qaaday in ay sameeyeen tanaasulaad isla markaasina ay beesha Musa Cabdalle ay qodon karto deegaankaasi la isku khilaafsanaa.
Suldaan C/raxmaan Cawaale Hure (Dudo), oo saxaafada kula hadlay Hudheelkaasi Hadhwanaag isla markaasna ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in maanta ay go'aansadeen in beesha Muuse Cabdalle ay qotaan deegaankaasi oo la wada dego oo la wada noolaado oo ay dadkuna yihiin dad walaalo ah oo aan meel kala degaynin, suldaanku isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu yidhi wax la isku hayaa ma istaahisho in gobolka Oodweyne ama goobtani uu nagaga dhinti ilma yar oo 3 jir ahi, mana noqonayso meeshani sida colaadaha loo taag iyo maara laayahay ee ka kala oogan bariga iyo galbeedka Somaliland, wana aanu go'aansay in ay fidnadaasi ay sidaasi ku soo afjaranto oo ay dadku u dhaqaaqaan wax wada qabsi iyo horumar loomana baahna in dib loogu laabto xiliyadii casru jaahilka.
Suldaanku waxa uu duray oo uu dhaliil kulul u soo jeediyay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland waxa aanu sheegay in uu fidnada ka mid ahaa oo xal laanta goobtaasi ee la isku hayay ee Bali Cigaal uu kala saari waayay dadka markaana uu ku guulaysan waayay in uu wax ka qabto, waxa aanu labada beelood kula dhex jiray fidno ayuu yidhi suldaanku, hase ahaatee waxa uu suldaanku amaanay wasiirka warfaafinta Somaliland, oo uu sheegay in uu door laxaadleh uu arintani uu ka qaatay.
Deegaankaasi la isku hayay ayaa xiliyada qaarkood gaadhay in ay xabadu afka ka baxdo isla markaasina ay ku naf waayaan dad iyada oo ay dhowr jeer odayaada iyo wax garaadka labada beelood ay u gurmadeen hadana laguma guulaysan in arintaasi la soo af jaro, hadalka Suldaan C/raxmaan Cawaale Hure waxa uu noqon doonaa mid dhaxal gal ah isla markaasina isu soo dhawaynaaya beelaha walaalaha ah soona afjari doona colaad iyo ciidan xoogan oo ay labada beelood mudo dhowr bilood ah ay isku hor fadhiyeen.
Hadalkani uu suldaanku maanta ku dhawaaqay waxa xigi doona sida lagu wado shir jaraaid ay bari qaban doonaan cuqaasha beesha Ugaadh Cumar oo tageeri doona hadalka Suldaanka.
Dhanka kalena waxa arintani soo dhaweeyay oo shabakada qaran news hambalyo soo gaadhsiisyay ururka dhalinyarada iyo aqoonyahanka bariga Hargysa iyo ururka C/raxmaan Tuur Foundation oo si fiican u taageeray isla markaasina Hambalyeeyay suldaan C/raxamaan talaabadaasi geesinimada ah ee uu qaaday.
Bariga Magaalada Hargeysa iyo gobolka Oodweyne iyo Magaalada Burco ayaa dareeno farxadleh laga muujiyay hadalkaasi maanta ka soo yeedhay suldaan C/raxmaan suldaanka beesha Ugaadh Cumar, isla markaasina si fiican loo soo dhaweeyay.

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
The same shid every where.... halkan wax ka qoda, war maye ka daaya, war orod oo naga, hooyada was, ma aniga, haa adiga iyoo awoowgaaba, Bangggg some one dies, Gurmad from both side, kala dhex gala shir uu fadhiista, heeshis kala saxeexda......Next 2 clans...
africa 
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
Suldaanka waa runtii. Dawladu Fidno ayay wadeen oo waxay rabeen inay beelaha Habar Yoonis isku dhuftaan laakiin alxamdulillah ma suurtogelin. Guurtida iyo kuwa dawlada ka socday markay meesha la isku hayo tagaan labada qolo intay kolba mid u tagaan ayay kusoo odhanayeen idinkaa saxsan. Ugaadh Cumar intay u tagaan ayay ku odhanayeen idinkaa saxsan oo meeshu waa dhulqaaqsimeed oo waxba lagama qodan karo,kadibna Muuse Cabdale ayay u tegayeen oo iyana ku odhanayeen waa la idinka khaldanyahaye meesha waad ka qodan kartaan oo waa la magaalayn karaa. Isla markii dawlada cusubi meesha qabsatay ayay colaadani bilaabatay oo 5 bilood ayay hadda soo jiitamaysay.Siciid85 wrote:
Suldaanku waxa uu duray oo uu dhaliil kulul u soo jeediyay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland waxa aanu sheegay in uu fidnada ka mid ahaa oo xal laanta goobtaasi ee la isku hayay ee Bali Cigaal uu kala saari waayay dadka markaana uu ku guulaysan waayay in uu wax ka qabto, waxa aanu labada beelood kula dhex jiray fidno ayuu yidhi suldaanku
.
- Keyse_0208
- SomaliNet Super

- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
LiQaaye_TDH wrote:The same shid every where.... halkan wax ka qoda, war maye ka daaya, war orod oo naga tag, hooyada was, ma aniga, haa adiga iyoo awoowgaaba, Bangggg some one dies, Gurmad from both side, kala dhex gala shir uu fadhiista, heeshis kala saxeexda......Next 2 clans...africa
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
kaliil. Wa ruunta. Alhamdullilah it's sorted though. 
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
Xiisad Ka Taagnayd Deegaanka Tuuyo Ee Gobolka Oodweyne Oo La Soo Af-jaray
Hargaysa (OWN)- Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre oo kamida Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in xal-nabadeed laga gaadhay oo ay soo afjareen xiisad iyo sansaan colaadeed oo ka taagnaa deegaanka Tuunyo ee gobolka Oodwayne, gaar ahaan tuuladda Bali-cigaal, xiisaddaasi oo muddo afar bilood ah u dhaxaysay laba beelood oo halkaasi wada degen.
Suldaan Cabdiraxmaan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargasya waxa kale oo uu baaqyo nabadeed u jeediyay beelaha walaalaha ah ee xiisadaha iyo shaqaaqooyinku ay dhawaan ku dhex mareen deegaamada labada gobol ee Buuhoodle (Kalshaale) iyo Gebilay (Ceelbardaale), waxaanu ugu baaqay in ay arrimahooda ku dhamaystaan waan waan iyo wada hadal.
Suldaanka oo ugu horan ka hadlaya xaaladda deegaanka Bali-cigaal waxa uu yidhi “Arrinta Oodwayne ee Tuunyo ama Bali-cigaal, shaqaaqadaasi waxay ay taagnayd muddo afar bilood ah, iyada oo caadifadahaasi dadka aad u wada galeen. Haddaba markii aan Cuqaashii iyo Odayaashii Oodwayne iyo intii aan dan mooday la tashaday, waxaan go’aan saday in meeshaasi ay ka mid noqoto waabihii ama magaalooyinkii hore ee gobolka Oodwayne xukumi jiray, haddii ay mudarro tahayna muddarada u wada ahaato, haddii ay manaafac tahayna manaafac u wada noqoto, balse aanay wax dambe oo shaqaaqo ahi ka taagnaanin, isla markaana ay sidaas ku soo af-go’do beelaha Oodwaynena magaalo ku soo korodhay gobolkooda ay kaga mid noqoto.”
Suldaanku waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Waxaan sidaa u leeyahay, dhulka marka la magaalaynayo ama waxaa loo eegaa daaq ama tiigsin biyood ayaa loo eegaa, balse midna looma eegin, haddana haddii ay dhibaatooyin keento ku Xigaalnimo waayimaayo, oo ku aakhiro waayimaayo, oo ku xididnimo waayimaayo, sababta oo ah haddii ay dhibaato ka dhacdo, waan ku xigaalnimo, xididnimo iyo aakhiraba waayayaa. sidaa awgeed waxaan go’aansaday meeshaa in halkaa ay taagan tahay faraha lagaga qaado. Gobolka Oodwayne Maamulkiisa iyo Odayaasha inta aanaan talada isku arag, intaba waxaan ugu baaqayaa in go’aanka aan halkaa ka qaatay igu taageeraan, sidaana faraha lagaga qaado.”
Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre waxa kale oo uu ugu baaqay Madaxdhaqameedka iyo xildhibaanada gobolka Oodwayne in ay isugu yimaadaan shir ku saabsan wada tashi iyo horumarinta gobolkaas, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Beelaha Oodwayne waxaan leeyahay marka ay taariikhdu tahay 15/01/2011, min ardaa walba min 10 xubnood oo madaxdhaqameedka iyo xildhibaanaduba ku jiraan shir ha isugu yimaadaan, si wadatashi gobolka ah loo sameeyo, loogana arrinsan lahaa arrimaha horumarinta gobolka.” Sidaana waxa yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre.

- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
thats great hada la so afjaray to be honest wasiirku arimahan maha inu galo the guurti should do it and the clan elders 
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
khalid ali wrote:thats great hada la so afjaray to be honest wasiirku arimahan maha inu galo the guurti should do it and the clan elders
guurtida laftigoodu meesha dhawr goor way tageen oo arrintan waxba kama qaban. Dawlada way isla ogaayeen arrintan.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
kaliil wrote:khalid ali wrote:thats great hada la so afjaray to be honest wasiirku arimahan maha inu galo the guurti should do it and the clan elders
guurtida laftigoodu meesha dhawr goor way tageen oo arrintan waxba kama qaban. Dawlada way isla ogaayeen arrintan.
Guurtidu shaqadoodu ba wa inay beelaha heshisiyaan haday inta ka so bixi karayn maxay guurti u yihin , dawladu ama wa inay labada beelood ay isu dayaan oo ay u xil saaraan cuqaasha si ay u xaliyan ama inay faraha kala baxan
ugaadh cumar cabdale iyo muuse cabdale koley hada iyaga arinkoodi dhameyey oo wa good laakin next time wa inay guurtidu ka foojignada. Dadkay isku dirayan.
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Khilaaf uu dhaxeeyay M.Cabdale iyo U.Omar oo la soo afja
khalid ali wrote:kaliil wrote:khalid ali wrote:thats great hada la so afjaray to be honest wasiirku arimahan maha inu galo the guurti should do it and the clan elders
guurtida laftigoodu meesha dhawr goor way tageen oo arrintan waxba kama qaban. Dawlada way isla ogaayeen arrintan.
Guurtidu shaqadoodu ba wa inay beelaha heshisiyaan haday inta ka so bixi karayn maxay guurti u yihin , dawladu ama wa inay labada beelood ay isu dayaan oo ay u xil saaraan cuqaasha si ay u xaliyan ama inay faraha kala baxan
ugaadh cumar cabdale iyo muuse cabdale koley hada iyaga arinkoodi dhameyey oo wa good laakin next time wa inay guurtidu ka foojignada. Dadkay isku dirayan.
waa runtaa oo guurtida shaqadoodu waa inay beelaha heshiisiiyaan laakiin shaqadoodii kama soo baxayaan oo cidna ma heshiisiiyaan. Wax ay heshiisiiyaan iskaba daaye dadka way iskusii diraanba. Waa odayaal meesha lacag uun ku cuna oo waxba qaban.Hadday marwalba cida khaldan e gardaran runta u sheegi lahaayeen dhibaatoba ma dhacdeen.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 895 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 463 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 8 Replies
- 516 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 6 Replies
- 814 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 304 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 783 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 16 Replies
- 1804 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 1 Replies
- 607 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 417 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 5 Replies
- 852 Views
-
Last post by Siciid85