

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo todobaadkii hore u soo galay dowladda KMg ee Soomaaliya.
lix horjooge oo ka tirsan Shabaab ayaa maanta warbaahinta ka soo hormuuqday kuwaas oo sheegay in ay ka soo goosteen Shabaab, kaddib markii ay sida ay sheegeen ka tanaasuleen dhibaato ay si joogto ah ugu haayeen umadda Soomaaliyeed xilligii ay ka tirsanaayeen kooxda Shabaab.
Nimankaan oo xilal kala duwan ka hayay Maleeshiyada Shabaab waxaa hoggaaminayay Maxamed faarax Cali oo Shabaab u qaabilsanaa fadhiisimaha dagaalka ee u dhaxeysa Isgoyska Aadan Cadde iyo waddada Talex ee degmada Hodon.
Maxamed wuxuu sheegay in uu go'aankaan qaaay kaddib markii uu fahmay ama garowsaday in wxa ay wadaan Shabaab ay yihiin wax ka fog diinta Islaamka dagaalkuna uu yahay mid ay ku dhamaanayaan dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan
http://www.flickr.com/photos/ladane/