Uganda president Museveni says we will not leave Somalia
Posted: Wed Dec 22, 2010 8:38 am
Madaxweynaha Uganda oo sheegay inaysan diyaar u ahayn inay ciidammadooda ka saaraan Soomaaliya
Arbaco, 22 December, 2010 (HOL) − Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacaya dalalka gobolka, aysan ku qasbayn inay ciidammadooda kala baxaan Soomaaliya, isagoo hadalkiisa kusoo beegay maalin kaddib markii qarax dilay saddex ruux, uu ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni
"Uganda marnaba ma cabsi gelinayaan falalka argagaxiso," ayuu Museveni ku yiri warsaxaafadeed uu maanta oo Arbaco ah kasoo saaray xafiiskiisa, isagoo ka jawaabayay qarax waxyaalo nafeed geystay oo habeen hore lagu weeraray bas rakaab u socday Kampala ka qaadayay dalka Kenya.
Dalka Uganda, ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo gaaraya 45,00-askari, oo ka mid ah 8,000 ee AMISOM, oo dowladda Soomaaliya ku ilaaliya qaybo yar oo ku yaalla Muqdisho, waxaana howlgalka ka qaybqaadanaya 3,500-askari oo dalka Burundi ka socda.
"Qaraxyadii bam ee ruxay Kampala, gabagabadii koobkii dunida. Xarrakatul Shabaab waxay rumeysnayd inuu yahay mid kala jari kara shacdabka Uganda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah," ayuu Museveni ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray, isagoo intaas raaciyay: "Weerarradaas waxay ahaayeen kuwo fool xun oo lagu dilay 76-qof oo shacab ah."
Xarrakatul Shabaab, ayaa sheegay ma'suuliyaddda qaraxyadii ka dhacay Kampala, 11-kii July ee sannadkan, waxaana afhayeen u hadlay uu sheegay inay ahaayeen kuwo ay ugu aarayaan shacabka Soomaaliyeed ee AMISOM ay duqeymaha ku dilayaan.
"Joogitaanka ciidammada Uganda ee Soomaaliya, waa mid xaqiijinaya xiriirka wanaagsan iyo midka saaxiibtinimo ee ka dhexeysa labada dal," ayuu yiri Museveni, oo sheegay in ciidammada dalkiisu ay joogayaan Soomaaliya inta nabadda laga soo celinayo.
Museveni ayaa horraantii bishan booqasho kaddis ah ku yimid dalka Soomaaliya, si uu ugu hambalyeeyo xukuumadda cusub oo baarlamaanka ka heshay kalsooni ay ku shaqeyso, waxaana sidoo kale uu booqashadiisa uu ku sheegay inay tahay si uu u muujiyo heerka xiriirka ka dhexeeya labada dal.