
some pictures of the stadiumKormeerkan ay masuuliyiinta guddiga Olompikada Soomaliyeed ku tageen garoonka kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud ee magaalada oo dhismihiisu soconayey mudo laba bilood qaybta hore waxaa ay ku soo beegeen xili dhismaha hore ee garoonku dhamaatay isla markaana la yagleelay qaybaha cayaaraha garoonka lagu qabanayo sida qaybaha kubada cagta laliska,Tennis-ka,oroda iyo wareega garoonka.
Garoonkan oo dheererkiisu yahay 300 halka balaciisu yahay 200 mitir waxaa dhismihiisa fududaysay ururka Olompikada Africa,waxaana wali ka dhiman dhismaha taraabuunka garoonka iyo dhismayaal kale oo qabyo ah inkastoo gudiga Olompikada Soomaaliyeed tilmaameen in fayska kale ee garoonka la dhamaystiri doono.
Masuuliyiinta ka tirsan guddiga Olompicada Soomaaliyeed ee kormeeray garoonka waxaa ka mid ahaa Xogheyaha guud ee guddiga Olompicada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Wakiilka Olompikada Soomaaliyeed ee Puntland Axmed Daahir.
Labadaan masuul ayaa ka sheekeeyey marxaalada uu soo maray garoonka,waxaana ay sheegeen in ay ku talo jiraan sidii loo dhigi lahaa cows ama rog oo lamid ah garoomada caalamka si loogu ciyaaro.
Garoonkaan ayaa noqon doona kii ugu horeeyey oo noocaan oo laga furo degaanada Puntland.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland




