
Darawhish puntland cidinka qaranMadaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka yimid degaanka buuralayda ee Galgala.
Ciidanka oo watay gaadiidka dagaalka ayuu Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa uga hortageen meel duleed ka ah magaalada Garoowe oo ay kusoo dhoweyeen.
Madaxweynaha ayaa khudbad kooban ujeediyey Ciidankaas,waxaana uu ugu horeyn uga mahadceliyey howlgalka ay fuliyeen oo ay dagaal kula galeen malaushiyaad taabacsanaa wadaadka Attam,dagaalkaas oo socday Xagaagii sanadkan 2010.
Taliyekuxigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland Col. Dery Xaaji Cabdi (iskatoos) oo hogaaminaayey guutooyinkii maanta lagu soo dhaweeyey caasimadda Puntland, ayaa sheegay in dhulkii ay ka hawlgaleen ee buuraha kulaala degmada Galgala ay ahaayeen dhul aad u qalafsan, waxaana uu sheegay in dhulkaas sidaas uq alafsan ay guulweyn ka gaareen oo ka saareen malayshiyaadkii isku urursaday.
Taliyaha ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi ayaa horey u sheegay in aan ciidanku iska fadhiyeyn buuraha Galgala ee ay ka saareen malayshiyaadkii kula dagaalamay, isla markaana ciidamadu ay qabsan doonaan hawlaha kale ee horyaala ee dhanka amaanka ah.
Dowlada Puntland ayaa 20kii bishii Oktoober ee sanadkan ku dhawaaqday inay soo afjartay dagaaladii deegaanadaasii ay kula galeen kooxihii saldhiyada halkaasi ku lahaa ee uu hogaaminayey Maxamed Siciid Attam.

