Dawladda Puntland Sheegtay In wax ka qaban doonto Abaaraha

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dawladda Puntland Sheegtay In wax ka qaban doonto Abaaraha

Post by FBISOMALIA »

Image
Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay wax ka qaban doonto abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta degaanada Puntland mudooyinkii lasoo dhaafay.

Wasiirka arimaha Gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media maanta ayaa sheegay in guddigii dhowaan loo xilsaaray wax ka qabashada abaaraha ay bilaabeen howlahooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa asbuucaan guddi Wasiiro ah u xilsaaray wax ka qabashada abaaraha,Wasiiradaas oo ah 5-wasiir ayaa kala ah;

* Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dawladdaha Hoose
* Wasaarada Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga
* Wasaarada Xanaanada Xoolaha
* Wasaarada Howlaha Guud
* Wasaarada Caafimaadka

Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland ayaa xusey in guddigaas ay u kuurgeli doonaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameyeen abaaraha isla markaana kormeer ku bilaabeen goobaha ay ka jiraan abaarta daran.

Abaaro iyo biyo la’aan aad u baahsan ayaa waayadaan laga soo sheegaayay degaano badan oo kamid ah Puntland,waxaana cabasho ka muujiyey dadka degaanada ay abaaruhu ka jireen.

Horseed Media
they should work fast :ugeek:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”