Wiil Yar oo Rumaysan in Madaxweyne Siilaanyo ku Daray Liiskii Golihiisa Wasiirrada
THURSDAY, 23 DECEMBER 2010
Hargeysa (TogdhNews)- Wiil yar oo da’diisu tahay 9 sannadood, isla markaana ku nool magaaladda
caasimadda Hargeysa, ayaa rumaysan in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku daray liiska
gollihiisa wasiiradda ee uu soo saaray 28 July, 2010. Kadib markii uu ku arkay xubin ka mid ah wasiiradda oo ay isku magac yihiin, kaas oo wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wiilkaa yar oo magaciisu yahay Maxamuud Xaashi Cabdi oo degan Xaafadda Gol-jano ee magaaladda Hargeysa, waxa la kulamay weriye ka socday Shabakadda Araweelonews, wuxuuna weydiiyay sababta uu u tuhunsan yahay inuu madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xil wasiirnimo, wuuuxna yidhi, “Markii madaxweynaha Somaliland magcaabay ee uu soo saaray liiska magacyada Golaha Wasiiradda waxa ku jiray magacayga Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaana la ii magcaabay wasaaradda duulista hawadda. Mar dambe ayaan ka arkay TV-ga nin kale oo la leeyahay waa wasiirka duulsita hawadda Somaliland oo madaarka ka shaqaynaya oo aanu isku magac nahay,” ayuu yidhi wiilka yar ee la yidhaahdo Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay isku magac yihiin wasiirka duulista hawada.
“Waxaan jeclaa in madaxweynuhu na kala saaro oo aniga Maxamuud Xaashi Cabdi Farroole weeye magacaygu, wasiirkana Maxamuud Xaashi Cabdi. Laakiin magacii isagaa ku xaadiray oo shaqaynaya waxaana ka arkaa Tv-ga ayuu raaciyay, isaga oo xusay in markii carruurta ay saaxiibka yihiin maqleen magaciisa ay u sheegeen in madaxweynuhu wasiir u magacaabay. Arrintaasi oo uu sheegay in illaa hadda asxaabtiisu markay maqlaan magaca wasiirka duulista hawada ay isaga moodaan.
Mar la weydiiiyay wiilkaa yar inuu u hambalyaynayo wasiirka ay isku magac yihiin ee uu rumaysnaa inuu isaga yahay iyo inuu ku haboon yahay shaqada, wuxuu yidhi, “hadda waan ku hambalyaynayaa, waxaana ka arkaa isagoo shaqaynaya oo madaaro furaya Tv-ga, wuuna ku haboonyahay shaqada.”
Maxamuud yare waa arday wax ka dhigta madarasadda Arishaad oo ka mid ah Madarasaddaha magaaladda Hargeysa, wuxuuna mar la weydiiyay waxa uu doonayo mustaqbalka inuu noqdo yidhi, “Waxaan doonayaa inaan noqdo Wasiirka Duulista Hawadda Jamhuuriyadda Somaliland.”
Wiilka yar hooyadii Amal ayaa sheegtay in markii la soo saaray liiska Golaha aha wasiiradda ee uu maqlay in qaar ka mid ah dadka deegaanka uu kasoo jeedo ee Sayla Barri ay cabasho ka muujiyeen dawladda uu ku doodi jiray in loo sheego dadkaa oo aanay dawladda ka cabinin, maadaama isaga loo magcaabay xilka wasiirnimo, wuxuuna Hooyadii ku wargelin jiray inay u sheegto dadka deegaankiisa inuu Madaxweynaha Somaliland isaga xilka wasaaradda Duulista hawadda u magcaabay. Sidaa awgeed ay is dejiyaan.
TogdhNews
wiil yar oo rumaysan in siilaanyo wasiirka u magcaabay
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: wiil yar oo rumaysan in siilaanyo wasiirka u magcaabay

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: wiil yar oo rumaysan in siilaanyo wasiirka u magcaabay




- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: wiil yar oo rumaysan in siilaanyo wasiirka u magcaabay
The_Emperior5 wrote:![]()
![]()
![]()
that guy must be related to mr alfaas




Re: wiil yar oo rumaysan in siilaanyo wasiirka u magcaabay
The_Emperior5 wrote:![]()
![]()
![]()
that guy must be related to mr alfaas.


- SultanOrder
- Posts: 21697
- Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
- Location: Peace!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 621 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 4 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 1 Replies
- 567 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 0 Replies
- 208 Views
-
Last post by bashe19
-
- 4 Replies
- 357 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 329 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 14 Replies
- 1248 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 16 Replies
- 1054 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 16 Replies
- 189 Views
-
Last post by shiniile9