recently CW police has been confiscating unregistered weapons and have now also started confiscating knives to further protect the civilians from violent crimes, inappropriate films in the cinemas have also been banned along with the use of too many cars for Wedding celebrations.Taliayaha Booliska maamulka culumaa’udiinka ahlusna waljameeca Axmed C/dille ayaa waxaa uu amar ku siiyay ciidanka amniga ee degmadaasi in ay soo qab qabtaan cidii lagu arko iyagoo si sharci la aan ah u wata gudaha magaaladaasi tooreeyda oo ayaan taan danbe noqotay hubka kaliya ee la isku isticmaalo marka uu qilaaf yimaado.
Gudoomiyaha degmada caabudwaaq ayaa waxaa kal hore uu Idaacada badbaado ee degmada cabudwaaq ka sheegay in tooreeyda ay mamnuuc tahay qaadashadeeda cidii lagu arkana ay soo qaban doonaan ciidanka amnigu waxaana kale uu gudoomiyuhu ka hadlay daawashada filim afsoomaali ku hadla taasoo hada dhaqan gashay iyo iirsashada aflaanta anshaxumada ah.
Gudaha magaalada caabudwaq ayaa waxaa maanta gabi ahaanba hareeyay ciidanka boolsika iyo waliba kuwa milatariga ee maamulka ahlusna waljameeca iyagoo markaasi ku hubaysan gawaarida dagaalka waxaana ay saaka fureen wadooyin badan oo ku yaala xaafadaha magaaladaasi waxaana amuurtaasi soo dhaweeyay guud ahaan shacabka ku dhaqan degmada caabudwaaq.
Degmada caabudwaaq ee caasimada gobolka waqooyiga galgaduud ayaa waxaa ay noqotay magaalada ugu amniga wanaagsan guud ahaan gobolada dhexe ee dalka waxaana tusaale midaas u ah bilawga qabqabashada toreeyada taasoo amniga ka dhigaysa meel aad u sareeysa.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee sidaan o kale amaro lagusoo rago dadka ku dhaqan degmada caabudwaaq amaradaasoo ay ku diirsadaan dadka deegaanka waxaana kal hore taliyihii hore ee saldhiga booliska Bile Bashiir cali mire uu amaro ku soo rogay kuwaasoo noqday kuwo dhaqan gala islamarkaasna ay wali ka jirtio hadal heeytoodii gudaha magaalada waxaana ugu muhimsanaa amaradaasi aroosyada oo awal ahaanjiray kuwo lagu galbiyo 30 gaari ilaa 50 gaari hadana lagu galbiyo 3 gaari oo kaliya sidoo kale bale bashiir maamulkiisii waxaa laga dhaxlay oo wax ku ool noqotay todaba baxa taasoo hada gabi ahaanba la iska ilaaway.
Xaafiiska warqabadka badbaado net ee degmada caabudwaaq.
caabudwaaq police development
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- ibrahimcw
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1324
- Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
- Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys
caabudwaaq police development
Re: caabudwaaq police development
masha allah i support ehlu sunnahibrahimcw wrote:recently CW police has been confiscating unregistered weapons and have now also started confiscating knives to further protect the civilians from violent crimes, inappropriate films in the cinemas have also been banned along with the use of too many cars for Wedding celebrations.Taliayaha Booliska maamulka culumaa’udiinka ahlusna waljameeca Axmed C/dille ayaa waxaa uu amar ku siiyay ciidanka amniga ee degmadaasi in ay soo qab qabtaan cidii lagu arko iyagoo si sharci la aan ah u wata gudaha magaaladaasi tooreeyda oo ayaan taan danbe noqotay hubka kaliya ee la isku isticmaalo marka uu qilaaf yimaado.
Gudoomiyaha degmada caabudwaaq ayaa waxaa kal hore uu Idaacada badbaado ee degmada cabudwaaq ka sheegay in tooreeyda ay mamnuuc tahay qaadashadeeda cidii lagu arkana ay soo qaban doonaan ciidanka amnigu waxaana kale uu gudoomiyuhu ka hadlay daawashada filim afsoomaali ku hadla taasoo hada dhaqan gashay iyo iirsashada aflaanta anshaxumada ah.
Gudaha magaalada caabudwaq ayaa waxaa maanta gabi ahaanba hareeyay ciidanka boolsika iyo waliba kuwa milatariga ee maamulka ahlusna waljameeca iyagoo markaasi ku hubaysan gawaarida dagaalka waxaana ay saaka fureen wadooyin badan oo ku yaala xaafadaha magaaladaasi waxaana amuurtaasi soo dhaweeyay guud ahaan shacabka ku dhaqan degmada caabudwaaq.
Degmada caabudwaaq ee caasimada gobolka waqooyiga galgaduud ayaa waxaa ay noqotay magaalada ugu amniga wanaagsan guud ahaan gobolada dhexe ee dalka waxaana tusaale midaas u ah bilawga qabqabashada toreeyada taasoo amniga ka dhigaysa meel aad u sareeysa.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee sidaan o kale amaro lagusoo rago dadka ku dhaqan degmada caabudwaaq amaradaasoo ay ku diirsadaan dadka deegaanka waxaana kal hore taliyihii hore ee saldhiga booliska Bile Bashiir cali mire uu amaro ku soo rogay kuwaasoo noqday kuwo dhaqan gala islamarkaasna ay wali ka jirtio hadal heeytoodii gudaha magaalada waxaana ugu muhimsanaa amaradaasi aroosyada oo awal ahaanjiray kuwo lagu galbiyo 30 gaari ilaa 50 gaari hadana lagu galbiyo 3 gaari oo kaliya sidoo kale bale bashiir maamulkiisii waxaa laga dhaxlay oo wax ku ool noqotay todaba baxa taasoo hada gabi ahaanba la iska ilaaway.
Xaafiiska warqabadka badbaado net ee degmada caabudwaaq.


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1990 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 25 Replies
- 26768 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 10 Replies
- 2601 Views
-
Last post by snoop12
-
- 3 Replies
- 1187 Views
-
Last post by PanSomaliNationalist
-
- 0 Replies
- 727 Views
-
Last post by bluelovelady
-
- 1 Replies
- 649 Views
-
Last post by Ahmed-Gurey
-
- 6 Replies
- 1044 Views
-
Last post by Cisse Westlake
-
- 3 Replies
- 956 Views
-
Last post by filsano