Jaaliyada Beesha Ugaadhyahan Siyaad Oo Qado Sharaf U Sameysay Garaad Jaamac G. Ismaaciil-
Minneapolis,(Lasanod Online)- Xubnaha Jaaliyadda beesha Ugaadhyahan Siyaad ee Magaalada Minnesota ayaa maanta qado sharaf u sameeyey Garaad Jaamac G. Ismaciil..
Qado sharaftan ayaa lagu qabtay hoteel ku yaala magaaladaasi, waxaana kasoo qaybgalay Odayaal, Guurti, iyo Haween kasoo jeeda beeshaas.
Waxaa ugu horeyn halkaas hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyey xubno ku hadlayey afka jaaliyaada beesha Ugaadhyahan ee Minnesota. Iyagoo garaaadka ku soo dhoweeyey magaalada Minnesota kana siiyey warbixin xaalada Jaaliyaddu ku suguntahay.
Garaadka oo hadalka lagu soo dhoweeyey ayaa xubnihii kasoo qaybagaly qado sharaftan uga warbxiyey xaalada deegaanka iyo dadka gobollada SSC. wuxuuna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee losoo abaabulay qado sharftan.
Garaad Jaamac ayaa aad ugu hadlay baahida loo qabo in la mideeyo maskaxda iyo talada dadka kasoo jeeda deegaamada SSC si loo gaadho hadafka guud.
Garaad Jaamac ayaa sheegay inuu markuu soo dhamaysto safarkiisa gobollada Maraykanka iyo Canada dib ugu soo laaban doono Minnesota hadii Alla idmo oo ballamo adag ku kala tegi doonaan Jaaliyadda SSC.
Xafladan qado sharafta ah ayaa kusoo gabagbooday jawi aad u wanaagsan, iyadoo xubno ka mid ah odayaasha Beeshu ay Garaadka usoo raaceen ilaa Hoteelkii uu deganaa.
Lasanod Online, Minnesota
Jaaliyada Beesha Ugaadhyahan Siyaad Oo Qado Sharaf U Sameysa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 31 Replies
- 2084 Views
-
Last post by SheikhExecutive
-
- 3 Replies
- 807 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 404 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 16 Replies
- 1315 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 5 Replies
- 713 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 0 Replies
- 408 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 17 Replies
- 1375 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 4 Replies
- 1148 Views
-
Last post by Notorious13