Indho-Deero's New Maxjar Berbera city Booming
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Indho-Deero's New Maxjar Berbera city Booming
[youtube]28iTx4NfUKM&feature=player_embedded[/youtube]
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Indho-Deero's New Maxjar Berbera city Booming
Tan iyo intii dalka dib loogu soo noqday magaalada Berbera sida magaalooyinka kale ee Somaliland waxay ahayd magaalo dib-dib usoo dhismaysey, Taasi oo ay dadka degan Berbera iyo dawladuba ay qayb wayn ku lahayeen.
waxa intaa u dheeraa iyadoo ahayd meel xoolaha Soomalidu ka dhoofaan, 1998kii oo ahayd markii lajoojiyey ee xayiraada lasaaray xoolaha Somalida ayaa Berbera waxay u ahayd dharaar madow oo adhaxjab ku noqday geedisocodkii nololeed ama dhaqan-dhaqaale ee magaalada. Berbera intaas wixii ka danbeeyey qoysas badan oo danyar ahaa ayaa ka hayaamay kuwaas oo si toos ah ama si dadbanba noloshoodu ugu tiirsanayd socodka xoolaha nool ee dekeda ka-dhoofi jiray,waxaanay guud ahaanba noloshii ay ku-noqotay cidhiidhi taasina waxay sababtay in magaalada ay isaga guuraan. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay dad badan oo isugu jiray ganacsato, dilaaliin, mukhalsiin, raaciyiintii xoolaha u raaci jiray dalalka xoolaha loo raro, intaa wixii ka danbeeyey magaaladii waxay noqotay cidla ciirsila waxa keliya ee kusoo hadhayna ay aheeyeen shaqaale oo ay ugu badanaayeen Muruqmaalka dekeda, waana ta sababtay in qofka kasta oo Berbera ku nool loo aqoonsado xamaal ama dhal xamaal waa sida dadka magaloyinka kale ee Somaliland kunooli ay aaminsanaayeen’e.
Hadaba tan iyo intii xoolaha dib loo furay Carafadii 1431H Kuna beegnayd Augost 2009 ayaa waxa mar qudha magaaladii soo buux dhaafiyey dad aad u badan kuwaas oo isugu jiray dadkii markii hore ka hayaamay magaalada iyo waliba ganacsatada dhoofsata xoolaha, waxaanay magaaladii isku rogatay Dubai yar kaas oo qofkii in mudo ah ogaa Berbera aanu u qaadanayn isbedelka magaalada iyo xawaaraha ay noloshu ku socoto, iyadoo magaalada dhexdeeda laga bineeyey dhismayaal casri ah, meherado ganacsiyo iyo guryo aad u qurxoon waxaana qaaliyoobay dhulkii magaalada dhexdiisa ku yaalay, ayna imika adagtahay in aad dhexdeeda dhul banaan aad ka hesho.
Dawlada Hoose ee Berbera oo uu imika mayer ka yahay Md.Cabdalle Maxamed Carab ayaa waxay waayadan danbe u muuqataa mid roolkii ay ku lahayd horumarinta adeegyada bulshada door wayn ka-ciyaartay, waxaana imika dadka reer Berbera ay aad isha ugu-hayaan waxqabadka D/Hoose waddo, gaar ahaan wadooyinka magaalada dhexdeeda, iyadoo wado kasta oo suuqa Berbera gasha laga dhigay laami casri ah, taas oo xataa aan qaadanin waqti badab ee laba cisho oo keliya lagu dhigo jayga, dhaqaxa iyo daamurka oo wada socda sidaana ay ku noqoto laami dhamaystiran oo daqiiqado gudahood la mari karo, waxaanad arkaysaa meelaha dadwaynahu isugu yimaadaan iyadoo lagu hadalhayo waxqabadyadaa ay muujisey D/Hoose, mayerka ayaa ah mid isagu markasta goob joog ku ah hadba wadada lasamaynayo taas oo ay dadkuna kusoo hirtaan si ay ugu hanbalyeeyaan waxaana xafiiska Hadhwanaagnews ee G/Saahil soo buux dhaafiyey oo illaa hadana iska soo daba dhacaya hambalyooyinka D/Hoose loogu hambalyeynaayo waxqabadkeedaas, kuwaas oo ay dadku ku codsanayaan in lasii wado wax qabadyadaasi lana-garab is taago maamulka D/Hoose iyo hawlaha horumarinta Adeegyada bulshada ee ay gacanta ku hayso.
Is kusoo wada duuboo Berbera maanta waxa la odhan karaa waxay tubta saartay wadadii horumarka, marhadii shicib iyo dawladba ay u muuqdaan qaar usoo jeestay ka shaqaynta magaalo in badan dayacnayd.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 1005 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 545 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 36 Replies
- 1778 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 1 Replies
- 782 Views
-
Last post by DisplacedDiraac
-
- 9 Replies
- 697 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 14 Replies
- 1935 Views
-
Last post by DisplacedDiraac
-
- 13 Replies
- 2423 Views
-
Last post by yawle
-
- 13 Replies
- 1824 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 12 Replies
- 952 Views
-
Last post by SLJOOFAY
-
- 4 Replies
- 743 Views
-
Last post by The_Emperior5