FU'AAD SHONGOLE "Shabaab iyo dadka shacabka ah wax xiriir ah kama dhaxeeyaan , taasna waa guuldarro
Maleeshiyada Shabaab ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in sababaha ay dagaallada ugu jabaan ay tahay dadka Shacabka ah oo aysan wax xiriir ah la lahayn.
Hadal uu shalay Fu’ad Shongole ka jeediyay Degmada Afgooye ayuu ku sheegay in maleeshiyada Shabaab aysan wax kalsooni ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed taasna uu ku tilmaamay in ay sabab u tahay guul darrada sanaddada badan heysata kooxda Shabaab oo god ku ridday kumanaan Soomaali ah.
“sababta ay Mujaahidiintu (maleeshiyada Shabaab) u guuleysan waayeen gaaladana looga adkaan waayay waa xiriirka aan wanaagsaneyn ama aan jirin ee ka dhaxeeya Shacabka iyo Shabaab” ayuu Yiri Fu’aad Shongole oo aan qarin guul darrada ay Shabaabku dhaxleen.
Wuxuu qiray dagaal ooge Shongole in aan guulo la gaari Karin inta shacabku ay col ka yihiin kooxdooda, wuxuuna nasiib darro ku sheegay in la kasban waayay Umadda oo sida uu sheegay muhiim u ah jiritaankooda.
Fu’aad Shongole wuxuu shaaca ka qaaday in aysan wanaagsaneyn in umadda loogu faano Hubka, isla markaana lagu takri falo waxa uu ku sheegay masuuliyadda, isagoo saadaaliyay in dhibaato weyn ay ka imaan doonto haddii la sii joogteeyo Tacadiyadaha lagu hayo dadka aan awoodda lahayn ayadoo la adeegsanayo Hubka iyo Maleeshiyaadka.
“Haddii aan dadka ka awood badanahay annaga Allaa naga Awood badan” ayuu yiri Shongole oo hadalkaas ku weerarayay sida loo fahmay Axmed Godane iyo kooxda taageersan oo ka awood badan Isbaheysiga Shongole ee uu calanka u sido Muqtaar Rooboow Cali.
Maleeshiyada Shabaab wixii ka dambeeyay qaraxii Shaamoow waxaa soo kala dhex galay khilaaf xooggan oo hareeyay Dagaal Oogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee kooxdaan maamula, waxaana arrinta sii huriyay Go’aankii lagu galay dagaalkii Ramadaanka oo ay ku jabeen kooxda Shabaab.
Axmed Cabdi Godane, Abuu Mansuur Al-Ameeriki iyo Faadil Cabdalla oo ah kuwa ugu tunka Weyn Shabaab ayaa lahaa ammarka dagaalkaasi, waxaana ka hor yimid oo gul darro mid ku dambeyn doona ku sheegay Muqtaar Rooboow iyo Fu’aad Shongole oo aan hadalkooda dheg loo dhigin, waxayna taasi sababtay in Muqtaar Rooboow uu dagaalka kala baxo maleeshiyaad uu si gaar ah uga keenay gobollada Bay iyo Bakool, dagaalkiina sidaas ayuu ku dhamaaday, ayadoo wixii markaa ka dambeeyay aan geedna la isugu imaan.
Fuad shaydonle says: al shabab can careless about shacab
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 14 Replies
- 851 Views
-
Last post by Gatspy
-
- 1 Replies
- 306 Views
-
Last post by Aiman
-
- 1 Replies
- 469 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 275 Views
-
Last post by knet
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by newsbot
-
- 5 Replies
- 687 Views
-
Last post by mahoka
-
- 6 Replies
- 444 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 282 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by gemini07
-
- 6 Replies
- 760 Views
-
Last post by Shift