Heavy rain hit Baardheere and surrounding towns

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Heavy rain hit Baardheere and surrounding towns

Post by XimanJaale »

Roobab socday muddo saacado ah ayaa xalay saqdii dhexe ka da’ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo deegaano hoos yimaada , kuwaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo xoolaha ku dhaqan deegaanadaas xili abaaro ba’an ay ka jireen mudooyinkan inta badan gobolada dalka ee ku tiirsan xoolaha iyo beeraha.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere ayaa sheegay in roobabkan oo watay Hilaac iyo onkod fara badan ay si weyn ugu farxeen. iyagoo sheegay in sidoo kale roobabkan ay ka da’een tuulooyin dhowr ah oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Baardheere iyo deegaanka loo yaqaano Ufurow.

Roobabkan oo dadku ay sheegeen iney yihiin kuwii xiligii baaqday ee deyrta ayaa waxay biyo badan dhigeen waro fara badan oo ku yaala degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo mudooyinkan la qalalnaa abaaraha ka jira gobolada dalka oo sababay iney naftooda ku waayaan dad iyo xoolo fara badan, haraad iyo Gaajo ay sababeen biyo iyo cunto la’aan awgood.

Deegaanada ku yaala gobolada Bay. Bakool iyo Gedo iyo meelo kale oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa daruuro madow oo biyo wata, kuwaasoo dadku ay filayaan in maalmaha iyo saacadaha soo socda ay ka heli doonaan roobab ay ku diirsadaan oo u horseeda iney kaga baxaan abaaraha bilihii ugu dambeeyey saameynta balaaran ku yeeshay oo sababay in qeylo dhaan gurmad doon ah ay soo yeerto dadka ku dhaqan gobolada dalka :som: :som:

ALHAMDULILAH
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”