Hargeisa university students protest
Posted: Sun Dec 26, 2010 11:57 am
Hargeysa(SDWO 25/12/2010) Mudaharaad ayaa subaxnimadii hore ee saaka Albaabada u laabay Jaamacadda Hargeysa kadib markii ay Mudaharaadayaashu ay diideen in Jaamacadda la furo.
Mudaharaadayaasha oo isugu jiray Arday iyo dad Suuqa laga soo ururiyay ayaa lagu war helay markay ishortumeen Jaamacadda isla markaana ay xidheen wadada hormarta iyagoo ku hanjabay inaan Jaamacadda la furayn ilaa inta laga noqonayo magacaabistii uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan soo saaray ee uu ku dhex dhexaadiyay muran ka dhashay Maamulka Jaamacadda cida loo dhiibayo.

Taasoo uu muddo afar bilood ah si ku meel gaadha ah ugu magacaabay Guddoomiye inuu ka noqdo Jaamacadda Muuse Cabdi Cilmi, halka Foosiya X Aadan oo ah Gabadha sida weyn u doonaysay jagadaasi uu iyadana afar bilood oo ku meel gaadh ah ugu magacaabay inay noqoto boodhka Jaamacadda.
Mudahaaradkan saaka dhacay ayaa la sheegay inuu salka ku hayo cadho ay Foosiya X Aadan ka qaaday magacaabista siilaanyo uu ku magacaabay ninkaas kale, waxaanay tan iyo maalintii waday abaabulka saaka keenay in Jaamacaddii rabshado ka dhacaan, taasoo aakhirkii sababtay in ay Ciidamo Booliis ahi weeraraan dadkii mudaharaadka samaynayay.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Agaasimaha Tacliinta sare ayaa u gurmaday Jamacada si ay u dajiyaan xiisada hase yeeshee mudaharaadyaasha ayaa kala hor yimi dagaal iyo cay, hase yeeshee waxa muddo dabadeed soo gaadhay wasiirka Arrimaha Gudaha kaasoo markii danbe u balanqaaday inay Xukuumaddu dib isugu noqon doonto oo ay xal raadin doonto.
Waxaana si ay Rabshaduhu u dagaan la fasaxay maanta dhamaan Ardaydii Jaamacadda dhiganaysay, iyadoo inta badan aanay soo xaadirin Ardayda intooda badani markii ay maqleen dhibaatada ka taagan Jaamacadoodii.
Waxa ilaa hada taagan muranka ka aloosmay Jaamacadda, isla markaana waxa meelo kala duwan lagu qabtay shirar Jaraa’id oo lagu canbaaraynayo cida Abaabulka wada iyo kuwa loo adeegsadayba, waxaana Xukuumadda laga codsaday inay dhakhso wax uga sidoo kale Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo ka gadoodsan Maamul xumada ka taagan Jaamacadda Hargeysa ayaa galabta Mudaharaad balaadhan la hortagay Qasriga Madaxtooyadda, taasoo ay kaga canabanayaan Jaamacada Hargeysa oo la xidhay kadib markii ay saaka iyo galabtaba ka dhaceen rabshado la soo abaabulay oo ay gacanta iskula tageen dad aan Arday ahayn iyo qaar ka mid ah Ardayda oo muranka jira ka soo horjeeda.
Waxa ay Ardaydu galabta Xidheen wadada hormarta Qasriga Madaxtooyadda iyagoo horfadhiistay Albaabka laga galo Qasriga, waxaanay ku dhawaaqayeen “Siilaanyo Isbedelkii aanu u codaynay ma wuxuu dhalay inaad Jaamacadda Xal ka gaadhi weydo oo ay xidhanto”,
“Madaxweyne, noo soo bax oo shanta kun ee Arday ee wax ka baranaya Jaamacadu yaanay kula fududaan ee ka qabo Jaamacadda dadka Qaska ka wada” iyo erayo kale oo ay ku dhaliilayaan Maamulka hormoodka u yahay ee talada Dalka haya, kuwaasoo ay ku dhaliilayeen sida ay uga gaabiyeen wax ka qabashada rabshadaha hadheeyay Jaamacadoodii.
Mudaharaadka galabta ayaa ka dhashay kadib markii Siilaanyo u soo diray Jaamacadda guddida sare ee Jaamacadda ee ay hormoodka ka tahay Foosiya X Aadan kuwaasoo markii ay Hoolka ku soo xaroodeen iyagoo fadhiya uu soo galay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Muuse Cabdi kaasoo ardyadii taageersanayd Sacab isla oogsadeen taasoo ay ka xanaaqeen kuwii kale ee taageersanaa Foosiya waxaana markiiba la isku bilaabay in Kuraasta la isla dhaco.
Dagaalkaas gacan ka hadalka ah ee ka bilaabmay Hoolka Jaamacadda ayaa sababay in Jaamacadii la rigaaxo oo la jajabiyo, sidoo kale waxa dirqi lagaga badbaadiyay Guddidii Jaamacadda oo ay ka mid ahaayeen Sh Aadan X Maxamud “Aadan Siiro” iyo xubnihii kale, waxaana markiiba ka bilaabantay Rasaas ay Booliisku rideen si ay u kala kaxeeyaan Ardayda iyo dad kale oo la sheegay in ay ahaayeen dad aan jaamacadaba ka tirsanayn.
Isla daqiiqado gudahoodna waxa soo gaadhay Saraakiil badan oo Booliis ah iyo Ciidamo ay wateen kuwaasoo ka soo saaray Jaamacadii masuuliyiintii ku xayirnaa, sidoo kale waxa ay soo dareeriyeen ardaydii.
Hase yeeshee ardayda oo ay galbinayaan baabuurta Bilaysku ayaa markaliya Horfadhiistay Guriga Madaxweynaha, halkaas oo ay ku dalbadeen Madaxweynaha balse markii uu u soo bixi waayay ee gabalkii dhacay ayay Booliisku xoog kaga kaxeeyeen.
Si kastaba ha ahaatee Jaamacadda Hargeysa ayaa u muuqataa mid xalkeedu sii durkayo waxaana laga cabsi qabaa inay Mudaharaadyo kale sii socdaan inta xal waara laga gaadhayo muranka taagan ee ay Xukuumaddu ka gaabisay Furdaamintiisa
Dhinaca kale, Gudoomiye ku-Xigeenka Jaamacada Hageisa Mobaarig Ibrahim Aar iyo xubno ka mida Dhiimanka Jaamacadaasi oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Jaamacada Hargeisa ayaa si toosa uga hadlay Mudaharaad maanta ay qaar ka mida ardayda wax ka barata jamaacadaasi saaka ku waabariisteen.
Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Hargeisa Mr: Mobaarig oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Mudaharaadkaasi uu ahaa mid la soo Abaabulay,isla markaana ay ka dambeeyaan dad aanu magacaabin,balse uu ku tilmaamay kuwo Dano Gaara wata oo doonaya inay qas ka Abuuraan Jaamacadaasi,isagoo Gudoiomiye Ku-xigeenku sidoo kale Xukuumada u soo jeediyey inay arintaasi Baadho, isla markaana ay si degdega Jawaab uga bixiso oo ay dadkii Falkaasi ku kacay sharciga u horkeento.
Mr: Mobaarig ayaa ku nuux-nuuxsaday in Ardaydan si toosa loo soo Abaabulay,isla markaana loo soo kireeyey Gaadiid iyo Agab kale oo loogu talo galay inay Mudaharaadka ku sameeyeen,isagoo Xusay in arintani sharaf Dhac iyo ceeb ku tahay Jaamacada iyo Ardayda wax ka barataba.
Mr: Mobaarig Ibraahim Aar waxa uu sheegay inaanay iyagu ka maamul ahaan Diidanayn Guddidan La soo magacaabay ee ay Hogaaminayso Mrs: FoosiyaX.Aadan, balse ay Doonayaan inay soo Maraan sifo Sharciga Jaamacada iyo ka dalkaba waafaqsan,isla markaana Magacaabistooda loo soo maro sida uu dhigay sharciga jaamacada u yaalaa.
Mr: Mobaarig waxa uu ku Celceliyey In arintan ay Xukuumadu u dhug yeelato,isla maraakana aanay dhayalsan ee ay ka feejignaato in dhibaatada iyo Khilaafku intaasi ka sii bato.
Hadalkan Maamulka Jaamacada ayaa yimi ka dib markii saaka subixii ay Boqolaal ka mida Ardayda wax ka dhigata Jaamacada Hargeis ay Mudaaharaad ka dhan ah Maamulka iyo Guddidan Cusub ee uu Magacaabay Madaxweyne siilaanyo ay ka Hor sameeyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare,iyadoo Halkaasi ay isku wajaheen qaar ka mida Masuulyiinta Laamaha kala Duwan ee dawlada, gaar ahaan wasiirku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo wasiirka arimaha Gudaha oo halkaasi kula hadlay ardayda.