Page 1 of 1

New Governor for Gobolka Oodweyne

Posted: Sun Dec 26, 2010 12:54 pm
by Siciid85
Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Oo Maanta Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Oodweyne
Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Md. Axmed Axmed Silaanyo, ayaa maanta guddoomiye iyo ku-xigeen cusub u magacaabay gobolka Oodweyne.


Siddan-na waxa lagu sheegay digreeto maanta ka soo baxday qasriga madaxtooyada Somaliland, taas oo uu madaxweynuhu ku caddeeyey inuu mudane Maxamed Gahayr Xirsi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne.


Digreetadaas oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan:


“Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland markuu arkay Qodobka 90-aad ee distoorka Qaranka JSL.

Markuu tixgaliyey: Ahmiyada ay Gudoomiyayaasha Goboladu u leeyihiin dhismaha Qaranaka.

Markuu arkay: in baahi loo qabo buuxinta jagooyinka hoos ku qoran.

Markuu la tashaday: Madaxda ay khusayso

Wuxuu Godoonsaday:

In mudane Maxamed Gahayr Xirsi Laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee JSL.

In Md. Faaarax Cabdilaahi Xasan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Oodweyne ee JSL.”

Oodweynenews.com/Hargeysa Office