Magaalada Gaarisaa (Garissa), xarunta gobolka Waqooyi-Bari Kenya, haddana la dhihi kara waa barkulanka badeecada Soomaalida, waxey leedahay astaamo u gaar ah lana factirsaday oollimaadka-agab-dhaqaale ee guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanna beesha magaaladan ku xuddun-xidhan (Reer-Gaarisaa). Astaamahaasi waxaa ka mid ah: Maalinta Arbacada ah oo ah maalin kaasha oo kobcisa cududda maal-maalmeed ee meheradleyda magaalada Gaarisaa laguna koolkoolliya, "Gaarisaa-Caddeey."
Inta aynan ambaqaadin ahmiyadda ay ayaanta Arabacada u leedahay ummadda magaaladan Alle ku abuuray kuna arsaaqay, waxaan falanqeyn iyo faaqidaad ku raadkoobi doonnaa kaalinta ay maalinta Arabacada ah kaga jirta ayaammaha asbuuca innagoo ku baadi-dooni doonna biladayaha bulshada Soomaaliyeed iyo bilkeysiga babcan:
Ardeyda dugsi-Quraanka waxey maalintan ku naanneystaan, "Arboco-Nuunuu" waxey ula jeedaan waa habeen aan la subcinin balse, Quraanka looxda laga akhrista horeyna loo fasaxa, mase garanaya sababta ay barayaasha dugsiyada Quraanka Kariimka ah ugu doorteen iyo waliba halka heshiishkaas lagu hirgeliyey, waxaanse baaritaan aan sameeyey ku ogaaday in habeenka Arbacada ah uu yahay habeen saacadaha la soo kooba, subacana meesha laga saara, sarbiduna ay nasata oo ay dugsiileyda farxad iyo furfurraan muujiyaan.
Maalinta Arbacada ah waxey sidoo kale farxad-galisaa macalinka dugsiga oo waa maalinta ay ardeydu keenaan xaqul-asbuuca ustaadka Quraanka, waxaana is-idhi saaridda subaca iyo sookoobidda saacadaha waxaaba sabab u ah macalinka oo luflufta laalushka yar ee hafarka ah, saas ahaanna wuxuu u faalalaa xaafad uu wax uun ka faa'iidaya ama ruubaaraqaa uu weysada ku dhawrta haw dheelmada ama suxulbaruur uu hoosta ka qaba habeenkaa ha la baashaalee. Macalimiinta Soomaalida ee Quraanka ardeyda bara waxey u badan yihiin goodadlayaal, marka marwalba meesha lagama saari kara inuu qandaraas qodbasira iyo qorsho qarsoodi ku-qabid jiri kara waxaana tabahan aad ugu xeeldheer macalimiinta xirownimada ku soo waxbartay jaariyadda reerka ay ku jilan yihiinna ay soo jikaartay, ujeedkeyguse ma ahan inaan barayaasha go'an-baaro boonna ka dabaqaata.
Maalinta Arbacada ah waxey door quraafaad ku qotama ku leedahay dhaqanka raacatada Soomaalida wuxuuna oday Soomaali ah oon wax ka weydiiey iigu jawaabay, "Arboco bil u dambeysa reerka lama rara, aroosna lama gala, duullaanna lamma dumma oo Soomaalida reer-guuraaga ah waxey u arkan maalin saameyn nusqaan ah ku xudman."
Haddii aan doobbirta Reer-Gaarisaa wax ku eegna microscope-ka magaalada Gaarisaa iyo maalinta Arbacada ahna ku maalqeybsanna, waa maalin weyn, waxaana lagu gorfeyn karaa in ay tahay "Maalinta Gabayada Ganacsiga Gaarisaa" erayga "Gabayada" haw fahmin in aan ula jeedna wadarta erayga "Gabay" ee waxaan ula jeednaa "Gabayo" oo ah maalin ay dadku seyladda isugu yimmaaddaan waxna ku kala iibsadaan asbuuciiba hal mar. Maalinta Arbacada ah waxaa seyladda xoolaha ee Gaarisaa loo soo iibgeeyaa kummaan kun sacaad oo waa maalinta ay dillaaliintu ku sii deyn iyo amaah qaataan kuna xisaabtamaan iney tahay "Ciid yar" oo ciidaha Alle jideeyey ku lammaan haddii ay awoodaanna kaalinta koowaad ayeyba galin lahaayeen. Sidoo kale waxaa maalintan ku arrinsada naagaha garoobada ah ee jaadka ama qaadka iibiya. Waa faa'iidada koowaade, waxaa maalintan u gadma jaadka Gaangeetaha loo yaqaan oo ah qaad ay qayilayaashu aad u quuddareeyaan. Waxtarka labaad ayaa ah in ay seyladda isku bartaan ganacsade ay araddiisi hore ilmodeys ku dawdahay ayada iyo ubadkina Mombasso guri ka dajiyey garoob uu gabbasho ku qabana gaadmo ugu jira, waana maalinta uu shukaansigu ku ebyama inshaarta indhaha. Si aan dooddeenna baroosinka ugu aasna aynu qalindaaranna meerisyo aan dhab loo garaneyn ciddi curisay balse magaalada Gaarisaa caan ka ah loose badinaya in ay hindistay haweeney garoob ah:
Goor hore galaw oro aroor
Ka gaar ganacsiga Arboco
Gorgori giir geesa weyn
Carraabaha galab baqool
Guntiga Gaangeete gali
Garoob laba Gini u dhiib
Isgiiji adoo gardaran!
Weydiinta warcelinta waafiga ah u baahan waxey tahay: mar haddaan ogaannay muhiimadda ay maalinta Arbacada ah u leedahay magaalada Gaarisaa, ma jirtaa astaan astaammahan tarraxna la tix, tiraab iyo tayo ah oo maalqabeennada magaalada iyo maamulkuba ay ku doorteen maalinta Arbacada ah in ay noqota maalinta ganacsiga Gaarisaa?
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza).
Wednesdays in Garissa by Abwaan Stanza
Re: Wednesdays in Garissa by Abwaan Stanza


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 1126 Views
-
Last post by guhad122
-
- 0 Replies
- 574 Views
-
Last post by Hard-Rock
-
- 9 Replies
- 539 Views
-
Last post by ire.
-
- 82 Replies
- 2617 Views
-
Last post by Munique05
-
- 112 Replies
- 3204 Views
-
Last post by Foxy22
-
- 30 Replies
- 1044 Views
-
Last post by Cawar
-
- 0 Replies
- 440 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 2 Replies
- 340 Views
-
Last post by Homer Simpso
-
- 37 Replies
- 2361 Views
-
Last post by garowegal
-
- 14 Replies
- 1444 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero