Mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa wax yar ka hor isku raacay go,aan taariikhi ah kaasoo shaqada looga fariisinayo dhamaan shirkadaha ajnabiga ee heshiisyada qarsoodiga ah la gashay DKMG Soomaaliya.
Kal fadhigii maanta xildhibaanada ku yeesheen xaruntooda magaalada Xamar oo uu ka soo qaybgalay riisul wasaaraha xukuumada KMG ayuu baarlamaanku go,aan ku soo saaray in shaqada laga joojiyo dhamaan shirkadaha ajnabiga ee la xaqiijiyey in horey heshiisyo si qarsoodi ah ula galeen DKMG Soomaaliya.
Fadhigii barlamaanka ee maanta ayaa ugu horayn la dhagaystay mooshin ay keeneen xildhibaanada kaasi oo ay ku codsanayeen in xukuumada faahfaahin ka bixiso heshiisyada lala galay shirkadaha shisheeye, uusanna baarlamaanka ka warhayn waxa ay yihiin.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka barlaamaanka ayaa gebi ahaanbna wax kama jiraan ku tilmaamay in xukuumadiisu ay wax ka ogtahay heshiisyadaas la sheegayo, balse tilmaamay in hal shirkad oo ah SARACEN INTERNATIONAL loo soo gudbiyey taasoo heshiiskeeda ay saxiixday xukuumadii tiisa ka horaysay ee Sharmaarke 15 May 2010.
Balse intaasi ka gadaal ayaa gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Cabdiweli Sheekh Muudeey ku dhawaaqay go,aankii lagu soo gabagabeeyey shirkii maanta, kaasi oo ahaa in laga bilaabo maanta aysan shaqeyn karin dhamaan shirkadaha sida qarsoodiga ee la sheegay in ay heshiis galeen, iyadoona Gudoomiyuhu ku wargaliyay Riisul wasaaraha in uu isku soo duba rido mudo 4 todobaad ah dhamaan dukumintiyada heshiisyada lagu galay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la mamnuucay dhamaan shirkadaha baarlamaanka la horgeeyay kuwaasi oo kala ahaa:
1- Balackwater (oo ah shirkad Mareykan oo qaabilsan amaanka)
2- Saracen International (oo ah shirkad amniga qaabilsan)
3- SKA air and logistics (oo ah shirkadii lagu wareejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho)
4-GMO (oo ah shirkada la wareegtay Domain-kii Soomaaliya .SO)
5- RK International
6- Purncraft
7- Dyncop
Gabagabadii Mudanayaasha baarlamaanka ayaa si dhamaystiran ugu riyaaqay una soo dhoweeyey go,aankan oo looga dhawaaqay gudaha xarunta goloha shacbiga oo ah fariisinka baarlamaanka KMG Soomaaliya, waxaana la filaa 4 todobaad kadib inuu mar kale Riisul wasaaruhu horyimaado baarlamaanka si uu u keeno dhamaan heshiisyada shirkadaha kale ee uu sheegay inuusan war u hayn balse la sheegay inay jiraan.
Source
Go,aan laga soo saaray Shirkadihii heshiiska la galay DKMG
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Re: Go,aan laga soo saaray Shirkadihii heshiiska la galay DK
A good move by the TFG Mps.

Re: Go,aan laga soo saaray Shirkadihii heshiiska la galay DK
TFG has turned somalia into a freemarket good job sheekh dalxiis 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 802 Views
-
Last post by saacJabshee
-
- 3 Replies
- 495 Views
-
Last post by Air_Canada
-
- 2 Replies
- 688 Views
-
Last post by Cawaandi_91
-
- 0 Replies
- 514 Views
-
Last post by Samatr
-
- 1 Replies
- 728 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 4 Replies
- 794 Views
-
Last post by TheFuturist
-
- 0 Replies
- 299 Views
-
Last post by Cawaandi_91
-
- 16 Replies
- 1215 Views
-
Last post by Alphanumeric
-
- 1 Replies
- 456 Views
-
Last post by JeyR

