

question, is it normale to be this much wadani?









Moderator: Moderators
THEN WHY DID KHATLAND LOOT PUNTLAND'S SUPPLIES FROM THAT PLANE? YOU'RE "COUNTRY'S" SH!TTING BRICKS! PUNTLAND WILL DEFEAT SOMALILAND AND GET SSC BACK INSHALLAH!!The_Emperior5 wrote:iidoors can not be defeated by any force clan Ethnic group Entity or fiefdom or Superpower. History tells us that only God Can defeat us
because we can we can charge russians we can take your plane and take your equipment and there is nothing you can do about it No bintlander can ever set foot in ssc , ssc is my landtightrope wrote:THEN WHY DID KHATLAND LOOT PUNTLAND'S SUPPLIES FROM THAT PLANE? YOU'RE "COUNTRY'S" SH!TTING BRICKS! PUNTLAND WILL DEFEAT SOMALILAND AND GET SSC BACK INSHALLAH!!The_Emperior5 wrote:iidoors can not be defeated by any force clan Ethnic group Entity or fiefdom or Superpower. History tells us that only God Can defeat us
The_Emperior5 wrote:the guys were released,,, the stuff on the plane was taken by the Somaliland police that was it each guy payd 6000 dollars so that they won't be in prison thats the latest news
XAGLATOSYIE wrote:The_Emperior5 wrote:the guys were released,,, the stuff on the plane was taken by the Somaliland police that was it each guy payd 6000 dollars so that they won't be in prison thats the latest news![]()
![]()
![]()
![]()
they paid 600 dollars not 6000 dollar stop the propaganda the plane was headed to bosaso end of story but good try
Maamulka Somaliland sharci caynkee ah ayey kula wareegi kartaa Hantida Diyaarada ay qabsadeen ?
Maamulka Somaliland ayaa xukun ku ridey diyaaradii laga lahaa dalka koonfur Afrika ee kusii jeeday magaalada Bosaaso, ayadoo Soomaaliland sheegtay inay la wareegtay dhamaan qalabkii saarnaa diyaaradaasi.
Maxkmadda Soomaaliland ayaa ku xukuntey 6 duuliye oo u dhashey dalka Ruushka min hal sano oo xabsi ah iyo in midkastaa bixiyo 500$ dollarka Maraykanka ah, waxaana maxkmaddu u oggolaatey in ay gadan karaan xabsigooda.
Qalabka diyaaradda saarnaa oo isugu jirey dhar booshash iyo qalabka miinada lagu baaro dhamaanba ay la wareegto maamulka Somaliland.
Hadaba arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka sida gaar ah ulla socday dhacdadan, ayadoo su’aalo badan la iska weydiinayo dhibaatooyinka ka imaan kara tilaabada ay qaaday Soomaaliland iyo sharciyan waxa u baneenaya la wareegida qalabka saaran diyaarada.
Soomaaliland ayaa ayadu ku tilmaamtay qalabkan diyaarada saaran mid ka caagan in Soomaaliya la keeno ayadoo cuskaneysa cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay saartay dalka Soomaaliya 1992dii.
Diyaaradan ayaan saarneyn wax hub ah, balse qalabka saaran ay yihiin Dhar, Kabo, Teendhooyin, Kamerooyin iyo waliba jaakadaha badbaadada ee bada loo isticmaalo.
Diyaaradan ayaa kasoo duushay dalka Koonfur Afrika ayadoo soo martay magaalada Kambala ee dalka Ugandha iyo Jabuuti, isla markaana si kadis ah u fadhiisatay magaalada Hargeysa si ay shidaal uga qaadato ayadoo kusii jeeda sida la sheegay magaalada Bosaaso ee Puntland, maamulka Somaliland waa u oggolaadey in ay ku soo degto diyaaraddu Haregysa.
Diyaaradan ayaa u kireysan hay’ada tababarada siisa ciidamada bada ee Puntland ee magaceeda la yiraaho Saracen International fadhigeeduna yahay dalka Ingiriiska. Maa
Somaliland ayaa sheegtay inay la wareegtay qalabka ay diyaarada waday ayadoo sharciyaqaanada ku tilmaameen falkan mid lamid ah dhac, maadaama aysan jirin sharciyan wax u fasaxaya maamulka Soomaliland in qalabkaasi ay la wareegto.
Mas’uuliyiinta shirkada Saracen ayaan iyago hada faah faahin ka bixin go’aanka Soomaaliland, balse xubno kamid ah hay’adan ayaa sheegay in qalabka shirkada ay tahay mid sharciyan aan lala wareegi karin oo ah qalab si gaar ah loo leeyahay.
Waxaase is weydiin muddan, hadii qalabkan uu yahay mid milatari Somaliland awood ma u leedahay inay la wareegto mise waa in lagu wareejiyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta Hubka, ayaguna go’aan ka gaaraan ? Waxaa xusid mudan in maamulka Hargeysa ay ku casumeen ninka us areeya la socoshada cunoqabatanya hubka ee saaran Soomaaliya (U.N. Monitoring Group on Somalia) Mr. Matt Bryde, mana jirto wax war ah oo uu ka soo saarey qalabkan isugu jira kabo, dhar iyo teendhooyin.
Hadiise maamul walba uu la wareego wixii uu gacan ku dhigi karo maxay taasi uga duwan tahay burcad badeednimada mise waa burcad hawada?
Dowlada Puntland ayaan ayadu arrintan weli si rasmi ah war uga soo saarin, ayadoo dhacdadan lagu tilmaami karo mid dhaawac horleh u geysaneysa xiriirka maamulada Puntland iyo Soomaaliland kuwaasi oo dhawaan sheegay inay dhanka maniga iska kaashan doonaan.
Dhacdada diyaarada iyo go’aanka Soomaaliland ayaa sidoo kale la saadalinayaa inay waddada u furi karto xiisad horleh oo ka dhex dhalata Puntland iyo Somaliland.
Dadaalkii ciidamada Puntland iyo badbaadintii Maraakiibtii Berbera
Ciidamada Dowlada Puntland ayaa horey hawlgalo ay sameeyeen kusoo furtay labo markab oo kusii jeeday dekkada Berbera, isla markaana u rarnaa ganacsato Somaliland kusugan, ayadoo ciidamada Puntland qaar kamid ah khasaaro kasoo gaaray hawlgaladaasi, balse ku guuleystay inay maraakiibtaasi ay u galbiyaan si nabad ah dekkada Berbera.
Soomaaliland ayaa sheegtay in diyaaradan hawadeeda kusoo xad gudubtay isla markaana ay diyaaradu gacan siineysay ciidamo cadow ku ah xuduudaha Soomaaliland.
Dowlada Puntland ayaan ayadu weli jawaab ka bixin arrintan, ayadoo la is weydiinayo wadooyinka u furan dowlada Puntland oo ay uga jawaabi karto tilaabada ay Soomaaliland qaaday.
Cumar Siciid
Horseed Media