Warbixin ku saabsan deegaanka Coodanle

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Warbixin ku saabsan deegaanka Coodanle

Post by Siciid85 »

Image

Coodanle (OWN)- Deegaanka Coodanle waa tuulo ku taala dhinaca Koonfur bari ee gobolka Togdheer, agagaarka Buhodle, waxa tuuladan badhtankeeda mara xadka wadanka Ethiopia kaas oo magaalada u qaybiya laba is leeg sida Magaalada Wajaale.

Dadka deegaanka iyo adeegyada bulshada
Dadka degen ama ku nool tuuladani waxay gaadhan inta u dhaxaysa 1500 ilaa 2000 oo qof in kasta oo ay tiradan leeyihiin dadka deegaanku ma helaan wax adeeg bulsho ah
Sida caafimaadka iyo biyaha marka laga reebo wax barashada oo dugsi ka kooban sadex fasal oo qudha laga dhisay dhawaan.

Dadka deegaanka ayaa inta badan ku hubaysan hubka caadiga ah ee lagu yaqaan ahstaanta colaada sida qoryaha AK, Berdhe iyo dhamaan qoryaha afka somaliga loogu yaqaan Boobe yaasha.

In xabadi soo dhacdo ama ka qarxdo qof sita waa mid la filan karo xili kasta waayo waxay tuuladani 10 km uu u jirtaa tuulada xadhadhanka oo kamida goobaha laysku hor fadhiyo.

deegaankani malaha guud ahaan goob cafimaad xataa qof ku taba baran inuu qof u fidiyo gargaar degdeg ah, Hadii ay dhacdo in hub dhaco ama cidi si kale wax u noqoto waxay dadku ku khasban yihiin in qofka wax soo gadheen la soo gaadh siiyo Cisbitaalka magaalada Burco Taas oo 170km u jirta Tuulada.

Waxa qofka dhibanaha ahi u dhiman karaa dhiig bax ama wuxuu si fudud u qaadi karaa teetano, sidoo kale dumarka ay fooshu ku adkaato tuuladani waxay halis ugu jiraan xanuunka Isu furanka.


Heerka dowlada ee degaanka


In kastoo dadka ay ka go’antahay Mowqif kooda Somaliland hadana Waxaan deegaankan ka muuqan dhamaan astaahamah Dowlada marka laga reebo istabta oo aad ku arki karto midhadh ciidan ah oo xidhan dirayska Somaliland.

Hadii aad la sheekaysato dadka Deegaanka waxaad ka dareemi kartaa cadho ay ka muujinayaan cida ay xukumadihii kala danbeeyay ee so maray Somaliland ku haleeyeen dadka reer Coodanle.

Ka qayb qaadashada Ololahii dalka ka dhacay


Dadka deegaanku waxay habkii ololaha kaga soo qayb qaateen hab sare oo ay xooga ku saareen suuganta gabayada iyagoo garab siinayay xisibiga imika talada haya
Kaas oo ay ka filayeen inuu isbadal ka keeno doono halkii ay xukamadihii hore ka joogeen deegaanka.

In kasta oo ay dadkani si yar iyo si waynba uga qayb qaateen u ololaynta xisbiga Kulmiye hadana lama hubo waxa Xukumada Cusub uga qorshaysan dadka iyo deedaanka Coodanle.

Saamaynta dhibaatada leh



1.
Saamaynta ugu wayn waa biyo la’aan baaxad leh oo ay sababeen abaaruhu kama heli Kartid tuuladan waxaad afkaaga uga cabto waxay foostada biyaha ka maraysaa deegaankan 80,0000 oo lacagta Somaliya ah oo u dhiganta 40,0000 shilinka S/land ah




1.
Waxa jira abaaro aad u ba’an oo xaaluf ka dhigay dhulka ay xooluhu daaqi jireen,
2.
Waxa kale oo jirta colaado dhawaanahan dadku ay aad u dareensan yihiin iyadoo ay Tuulada wax ka yar 6 km u jiraan goob ay isku hor fadhiyaan ciidan beeleedyo



1.
Waxa kale oo laga dareemaya Soo guur ay dadkii u guuray meelo ay roobabku ku danbeeyeen isku dhacyadan ka hor ay dib ugu soo noqonayaan meelihii abaartu ka jirtay ee tuulada, waxaad markiiba arki kartaa mid ama laba gaadhi oo roggaya dad iyo guryo geedi ah. Tan waxa sababay isku dhacyada qabiil



Hadal haynta Bulshada


1.
hadal haynta dadka degaankani waxay u badan tahay oo ay dadku is waydiinayaan hadaba waxa ka soo kordhay meelihi laysku hayay
2.
raga waawayni waxa ay kawada hadalayaan meelaha ay xoolaha iyo dadka uga soo heli lahaayeen biyo Iib ah .
3.
dhalintuna waxay is wadiinaysaa qasanadaha rasaasta wixii ay hore u kala haysteen.


So jeedinta Qalinka Qoraaga


1.
Waxaan u soo jeedinayaa Xukumada iyo dhamaan dowlada Somaliland in ay si degdeg wax uga qabato sidii ay dadkani u heli lahaayeen u adeege cafimaad ama loogu furi lahaa MCH looguna tababari lahaa shaqaale cafimaad.
2.
in loo fidiyo dadkan gurmad biyo dhaan oo dhinac kasta leh sida ganacsataha, Dowlada, Ururada iyo Haayadaha ay khusayso dhamaan bulshada reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in sidii horeba ay isaga kaashan jireen masiibooyinka dabiiciga ah in ay uga caawiyaan walalahooda ku dhaqan deegaankan.
3.
culimada reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay goobaha cibaada uga duceeyaan in ILAHAY dadkan ka soo jabiyo abaaraha kana qaboojiyo colaadaha.



http://oodweynenews.com/news/38679-warb ... danle.html


Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”