Naxdin weynaa! hal mar ayaan shalay galab indhaha ku dhuftay Banadir oo badisay, waan ku celiyey markaasaa Horseed Media cilladi gashay oo pagekii soo bixi waayey (database error), websiteyadii kale oo dhan baan eegay mise wax war haya ma leh.
Naxdin Gariirkii meeshii aan shalay ku dhacay baan saaka ka soo toosay, sannadkii cusbtaa xitaa sidaas ayuu iigu dhashay, anigoo buste igu dedan yahay
Beerba laf kama filan, hadde waa koobkii aan isu diyaariyey! dhib ma leh, Hambalyo Gobolka Banaadir, sidoo kale hambalyo Puntland in koobkii si hufan oo nabadgelyo ah uu ku bilowday kuna dhammaaday, Hambalyo Horseed Media oo noqotay warbaahinta keli ah ee daqiiqad daqiiqad ciyaarahan lagala socdey, sannadka 2011 waxaa lagu qabanayaa bay ila tahay Boosaaso, illeyn waddan kale Soomaalidu ma leh eh, Puntland uun baa la hurran yahay. (lama huraan waa cawska jiilaal). Hallagu beego December 2011, xilligaas oo ay cimilada Boosaaso friendly tahay.
Intaasi waa talo oday laga badiyey
