
Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug laga furay xarun lagu daryeelo dadka qaba xanuunka dhimirka, xaruntaasi oo u gaar ah haweenka qaba xanuunka dhimirka ee ku dhibaateysan gudaha magaalada Gaalkacyo.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey gudaha xarunta cusub ee daryeelka dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaana xafladaasi ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye, Agaasimaha Hay’ada Daryeelka Bulshada Puntland C/shakuur Maxamuud Gurey, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad, Duqa Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji, Saraakiil ka socota Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo WHO, Dhaqaatiirta, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, Odayaasha dhaqanka iyo Ardeyda dugsiyada magaalada Gaalkacyo qaarkood.
Xaruntan cusub ee lagu xanaaneynayo dadka xanuunsan ee qaba xanuunka dhimirka ama waalan ayaa waxaa iska kaashadey in la furo Culimaa’udiinka, Waxgaradka iyo Dhaqaatiirta oo kaashanaya Hay’ada Daryeelka Bulshada Puntland ee (PASWE).
Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa waxay sheegtay in ay maanta aad iyo aad ugu faraxsan tahay ka qeybgalka munaasabad xariga looga jarayo xarun lagu daryeelo haweenka qaba xanuunka dhimirka, waxaana Wasiiradu intaa ku dartey in ay farxad gooni ah u tahay in maanta ay indhaheeda ku arkeyso ragga oo wax ka qabanaya arimo haweenka taabogal u ah.
Midig Wasiirka Haweenka Puntland, Suldaan C/risaaq iyo Dr, Dhagacadde
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada furitaanka xarunta ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan xaruntan cusub ee lagu daryeelayo dadka qaba xanuunka dhimirka, waxayna intaa ku dareen in ay diyaar u yihiin gacansiinta xaruntani.
Shiikh C/lle Maxamed Xirsi
Shiikh C/lle Maxamed Xirsi oo ahaa ninkii lahaa fikirka in la dhiso xarumaha lagu daryeelo dadka qaba xanuunka dhimirka ayaa madasha ka hadley waxaa uuna qadar daqiiqado ah ka sheekeeyay waxyaabaha ku dhaliyey in uu soo bandhigo in la dhiso xarun dadka qaba xanuunka dhimirka la furo, wuxuuna sheegay in uu arintaasi soo bandhigay kadib markii uu arkey haween qaba xanuunka dhimirka oo magaalada Gaalkacyo ku dayacan.
Agaasimaha Hay'ada Daryeelka Bulshada Puntland ee PASWE
Agaasimaha xarunta daryeelka bulshada Puntland C/shakuur Maxamuud Gurey ayaa sheegay in xarumaha lagu daryeelo dadka dhimirka qaba ay gacanta ku heyso Hay’ada PASWE, isagoo intaa ku daray in hay’adu arintaasi la kaashatay hay’adaha samafalka qaarkood, kuwaasi oo ku yaala wadamada Islaamka.
Xaruntani cusub ee lagu daryeelayo haweenka qaba xanuunka dhimirka ayaa waxaa fariisan doona sida la qorsheeyey dhaqaatiir isugu jira kuwa qaabilsan neerfaha, xanuunada dumarka, xanuunada guud iyo kalkaaliyaal caafimaad oo caawinaya.
RBC Radio.










