_1_
hal abuurka erayga
hadalka murtida leh
hawrartaa maansada
cidlo lagama helo
waa hibo eebe bixiyo
aniguna aan qayb igu hagaagtay
farsamo aan ku habeeyay.
_2_
caawa anoo hurda
baa hilaac ii baxay
haatuf baa ii yemid
halkaan jiifay baan
hal mar ka booday
qalinkaan midigta la haleelay
gabayga ii haya baan
isleeyahay yaadan hilmaamin
hadafkayga wuxuu yahay
maanso inaan kuu hibaayo
oo hees kaaga tirsho halkan
_3_
hodaney hodaney
haboon badaney
hablaha oo idil
ugu qurux badnay
dayaxoo hogiisa ka soo baxay
tii lagu mitaalaay
hufnaanta dabeecada iyo
hab dhaqan wacany
haweenka oo idil
tii ugu horeesaay
hagoogta xishoodka iyo
smile
tii eebe hadiyad uu siyayee
_4_
hooyadii ku korisay iyo
hoygaad ku abaabtay
duco hor ilaahahey ah
ayaa igu hagaagsan
inaan halkan uu mariyo
_5_
geenyo la haweestaad tahay
hawd dalxiis loo geeyaad tahay.
kun halaad iyo hanti laga baxshaad tahay
gaafkeeda hirmahee iyo, heelo laga ciyaarad tahay.


