Page 1 of 1

Somaliland the second most Democratic Country

Posted: Mon Jan 03, 2011 5:25 am
by LiQaaye_TDH
amhuuriyadda Somaliland ayaa kaalinta labaad ka gashay hanaan wanaaga Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Xorta ah sanadka 2010ka, sidaasi waxa daabacay Joornaalka African Magazine oo soo bandhigay dalal faro badan oo doorashooyin ka dhaceen sanadkii ay soo dhaafnay.

Shacbiga reer Somaliland waxay ku talaabsadeen bisayl siyaasadeed oo ku dayasho mudan, Doorashadii Madaxtinimada ee ka qabsoomtay 26 june 2010 waxay u eekaday dal soo jireen ah oo afartameeyo sano ku soo jiray dhacdooyinka doorashooyin xor iyo xalaal ah.

“Wali lama arag Dowlad Afrikan ah oo Adduun-weynuhu aanu aqoonsan buuxa siinin oo ku tallaabsata hanaan wanaaga Doorasho ku dhacday jawi nabdoon kuna dhammaatay, waxa taasi ka sii daran sidii ilbaxnimada iyo xadaarada lahayd ee Xisbiyadii tartanka iyo loolanka adagi dhex-maray ay dhammaantood ugu wada-hoggaansameen natiijadii Doorashada” sidaasi waxa dhextaal looga dhigay warbixinta uu Wargeysku ka qoray Doorashooyinkii ka dhacay Afrika sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2010.

Warbixinta oo aad u dheerayd waxa uu wargeysku xusay in doorashadii ka dhacday Dalka Afrika ay Somaliland ka gashay kaalinta labaad, halka Tanzania ay noqotay dalka koowaad, halka Dalka Ivory Coast oo siyaabo badan ay isku shabahayeen ka hor intii aan doorashooyinku ka qabsoomin sida dib u dhacyadii xilliga qabsoomida doorashada oo ay iska matalayeen haddana Somaliland waxay kaga duwan tahay sidii la yaabka lahayd ee ay ku dhammaatay, iyadoo illaa hadda khilaaf iyo is-mari-waa siyaasadeed ka taagan yahay Ivoray Coast, ka dib markii Murashaxiinta doorashadu mid kastaa dhiniciisa isku caleemo saaray in la doortay.

“Somaliland waxay mar kaliya soo jiidatay indhaha beesha Caalamka ka dib markii Xisbigii laga guulaystay uu si niyad sami leh ugu wareejiyay xisbigii kale ee doorashada kaga adkaaday, arrintan ayaa ah mid mucjiso ah oo aan ka suurtoobin wali dalal badan oo afrikaan iyo dunida kala ah” sidaasi waxa lagu soo gabo-gabeeyay warbixinta Wargeysku ka qoray Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday sandkii aynu soo dhaafnay.

Re: Somaliland the second most Democratic Country

Posted: Mon Jan 03, 2011 5:30 am
by LiquidHYDROGEN
What's the point praising us if they don't even recognise us. :?

Re: Somaliland the second most Democratic Country

Posted: Mon Jan 03, 2011 5:32 am
by LiQaaye_TDH
abdi.ismail wrote:What's the point praising us if they don't even recognise us. :?
wey iska soo socota taasi.. it will come, i dont even think we are ready for that anyway...

Re: Somaliland the second most Democratic Country

Posted: Mon Jan 03, 2011 5:52 am
by LiquidHYDROGEN
LiQaaye_TDH wrote:
abdi.ismail wrote:What's the point praising us if they don't even recognise us. :?
wey iska soo socota taasi.. it will come, i dont even think we are ready for that anyway...
True. I'm just saying all they're doing is paying lip-service. I personally think Somaliland needs to fix it's economy and infrastructure before recognition anyway. We need to move out of the lifestock export business, which is unpredictable and low profit, and diversify into manufacturing and industry. :up: