Page 1 of 1

siiland need help in food

Posted: Mon Jan 03, 2011 8:31 am
by FBISOMALIA
Qof Gaajo ugu dhintay Hargeysa iyo dad kale oo u jiifa cuduro ka dhashay nafaqo-darro

Image
Isniin, 03 January, 2011:(HOL)- Hal qof ayaa magaalada Hargeysa ugu geeriyooday Macaluul (gaajo) iyo Nafaqo-darro ba'an oo haleeshay, halka Lix ruux oo kalena Cusbitaalka u yaallaan xanuunno ka dhashay darxumo iyo gaajo la soo deristay qaar ka mid ah dadka dalka gudihiisa ku darayaysan oo ku dhaqan agagaarka Xaafadaha Calaamadaha iyo Daammuarka ee koonfurta magaalada Hargeysa.

Suleekha Mustafe oo da’duudu ahayd 14 jir ayaa Gaajo ugu dhimatay Xaafadda Calaamadaha ee Caasimadda Hargeysa, halka qoyska ay ka tirsanayd oo ka koobnaa 10 ruux lix ka mid ahi ay Cusbitaalka Manhal u yaallaan xaalad xanuun oo ay gaajadu ku reebtay. Sidaa waxa xaqiijisay Marwo Saynab Xaaji Maxamed oo ah Guddoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee Gaashaan oo u dhadhaqaaqa ama ka shaqeeya arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadaha, oo iyadu ka mid ahayd dadkii u gurmaday qoyska dhibaatada Gaajadu la soo deristay.

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa hawl-wadeennada dadweynaha Xaafadda iyo Maamulka Cusbitaalka Manhal oo gar-gaar deg-deg ah u sameeyey qoyska dhibaatadu la soo deristay oo ay ka soo qaadeen Buul bannaanka aan waxba dhaamin oo ay ku hoos bakhtiyayeen oo degganaayeen, isla markaana hawlgal caafimaad oo deg-deg ah u sameeyey lix qof oo ka mid ah Qoyskaas oo ka koobnaa 10 qof.” Sidaa ayey tidhi Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab Xaaji Maxamed. Waxaanay Guddoomiye Saynab oo hadalkeeda sii wataa intaa ku dartay oo ay tidhi; “Qoyskaa waxa ka baxday Gabadh yar oo 14 jir ah oo magaceeda la odhan jiray Suleekha Cabdi, waxa si degdega loo badbaadiyey oo hadda Cusbitaalka Manhal lagu dawaynayaa oo lix ruux oo laba ka mid ahi yihiin Hooyada iyo Aabbaha qosyka iyo afar carruur ah. Saddex ka mid ah carruurta waxa isla markii la ogaaday gargaar u sameeyey dadweynaha Xaafadda oo imaka gacanta ku haya, isla markaana xaaladdoodu fiican tahay oo ka sahlanaa sida qoyska intiisa kale ay ka dhigtay Nafaqa-darro ka dhalatay Macaluusha iyo Qabawga jira oo ay Buur u saarnaayeen, hoyna kaga jirin.”

Guddoomiye Saynab, waxay sheegtay in Agaasimaha Cusbitaalka Manhal Dr. Shiine iyo Dhakhaatiirta la hawlgalaa si weyn ugu dedaaleen dawaynta dadkaas, isla markaana ay sheegeen in dhibaatada qoyskani u daateen tahay saamayn ay ku yeesheen Gaajo iyo qabawga dhaxanta oo isu raacay, isla markaana ay ku rejo weyn yihiin inay caafimaadaan. “Hooyada qoyska oo la yidhaahdo Rooda Cumar oo iyadu u muuqata inay ladnaatay markii la daweeyey ka dib, ayaa afar carruur ah oo ay dhashay iyo Aabbohood oo la yidhaahdo Mustafe ku haysa Cusbitaalka Manhal.” Ayey tidhi Saynab Xaaji Maxamed.

Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab X. Maxamed, waxay ugu baaqday Hay’adaha Samafalka, dadweynaha Hargeysa iyo Dawladda Somaliland inay si degdega ugu gurmadaan qoyskaas iyo qoysas badan oo isugu jira kuwo Xoolo-dhaqato ahaa oo ay ka madheen oo sannadihii ugu dambeeyey magaalada ku soo qaxay iyo dad ka soo barakacay dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin dhaqaale-darro haystaan sida ay Saynab sheegtay. Waxaanay Saynab oo arrintaa ka hadlaysaa tidho; “Waxaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa Samafalka, dawladda Somaliland iyo dadweynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku dhaqan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan qoyskan qaarkood gaajada u dhinteen, qaarna u sakaraadayaan ee ay Dhakhtarka u yaallaan. Dadka dhibaataysani qoyskan oo kaliya kuma koobna ee boqollaan qoys oo qaarkood abaartu xoolohoodii ka dhammaysay oo magaalada ku soo qaxay iyo kuwo ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya ayaa dhibaato tan la mid ah qaba, kuwaasoo haddii aan si dhakhso ah wax loogu qaban maalmaha soo socda aynu maqli doonno iyaga oo la leeyahay Gaajo iyo Dhaxan ayey u dhinteen. Sidaa awgeed, waxaan mar kale ku baaqayaa in dadkaas waa la innagu eegayaaye si deg-dega loogu gurmado, gargaar deg-deg ahna loo sameeyo intaanay gaajo u wada bakhtiyin.”.

Image

Si kastaba ha ahaatee, Macaluusha ayaa waxa ka dhasha nafaqa-dorro ban oo qofku gaadho heer aanu iska difaaci karin ama u adkaysan karin Gaajada, Qabawga, Kulaylka iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Iyada oo Caasimadda Hargeysa ay ku nool yihiin dad badan oo ay ku xeeran yihiin xaaladaha is-barkan ee Macaluusha, Nafaqa-darrada, Hoy la’aanta, biyo la’aanta iyo kuwo la mid ah oo ay geyisiisay darxumada dhaqaale-darro ee ay la deriska yihiin.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
poor baby :(

guys in name of islam and somalinomo let help thier babys :ugeek:

one day for reconciliation to help somali babys :som: :up:

puntland should move fast to help them with food and water :up:

Re: siiland need help in food

Posted: Thu Jan 06, 2011 12:12 pm
by juzme123
Hunger and disease are rampant throughout africa and poor countries; the areas where Somalis live are no exception, including Somaliland and Puntland. If you are sincerely concerned and you are able to, go ahead and help those in need. I doubt that anyone would object.

Re: siiland need help in food

Posted: Thu Jan 06, 2011 9:19 pm
by jamols2
juzme123 wrote:Hunger and disease are rampant throughout africa and poor countries; the areas where Somalis live are no exception, including Somaliland and Puntland. If you are sincerely concerned and you are able to, go ahead and help those in need. I doubt that anyone would object.
somali wa dadkena in la helpiyana wa xaq :up: :som: