Somalia´s Prime minister holds meeting regarding 2011 goals

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somalia´s Prime minister holds meeting regarding 2011 goals

Post by Coeus »

Image

Image


Isniin, 03 Janaayo, 2011 (HOL) − Golaha wasiirada xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan shir-guddoominayay ra’iisal wasaaraha xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaasoo looga dooday dhowr qodob oo uu ugu horeeyo in howlaha muhiimka ah ee xukuumada lagu soo koobo shan qodob oo kala ah:

1. Inay ammaanka wax ka qabato
2. Inay fuliso dowlad wanaag
3. Inay hirgeliso Dastuurka
4. Inay dib u heshiisiinta dardargeliso
5. In wax laga qabto Arrimaha gargaarka Bani’aadamimada

Dood dheer kadib golaha wasiiradu waxay isku raaceen in xooga la saaro dhiirigelinta qodobadaasi.

Golaha wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen qodob ku saabsan la dagalanka musuqmaasuqa iyo cirib tirka sidaasi darteed, guluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi heer qaran oo ka howlgala la dagaalanka musuq maasuqa.

Qodobka saddexaad ayaa looga dooday sameynta xeer hoosaad u gaar ah golaha Wasiirada kana kooban 11 qodob oo ay ka mid ahaayeen xushmeynta iyo illaalinta Dastuurka Federaalka KMG ah oo ay balan qaadeen goluhu inay si daacadnimo ah u fulinayaan, soo celinta kalsoonida shacabka, hagaajinta dowlad wanaaga, illaalinta maslaxada guud ee Diinta, Dalka iyo dadka iyagoo ogolaaday inay ku dhaqmayaan dhamaan qodobadaasi xeerka u ah golaha Wasiirada.

Wuxuu kaloo goluhu isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen, ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed wuxuu dhegeystay dacwad uu xeer ilaaliyaha Qaranku ku soo oogay Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux kaasoo codsanaya in xasaanadda laga qaado kadib markii uu si sharci ah ku galay dekeda Muqdisho, dood dheer kadib golaha waxay isku raaceen in guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyo arrintaasi.

Ugu dambeyntii golaha Wasiiradu waxay dhegeysteen warbixino ay u soo jeediyeen Wasiiro ka soo laabtay safaro dibadda.
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: Somalia´s Prime minister holds meeting regarding 2011 go

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

:lol: :lol: Image
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Somalia´s Prime minister holds meeting regarding 2011 go

Post by XimanJaale »

Masha'allah :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”