Wasaradda Caafimadka Puntland Jawabtey Xaalad caafimaad daro

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasaradda Caafimadka Puntland Jawabtey Xaalad caafimaad daro

Post by FBISOMALIA »

Image

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ka Jawaabtey Xaalad Caafimaad daro oo Laga soo Sheegayo Tuulada Karin-karfood ee Degmada Boocame Gobalka Sool
Garowe (RBC Radio)Wasaaradda caafimaadka dawlada Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si deg deg ah uga jawaabtey xaalad caafimaad daro oo laga soo sheegay deegaanka karin-karfood ee degmada Boocame ee Gobalka Sool ee dawlada Puntland. wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtey in xaalad caafimaad daro ay kasoo cusboonaatey Tuulada Karin-karfood ee Gobalka Sool.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shir ay shalay ku yeelatey xarunta wasaaradda caafimaadka uuna gudoominayay wasiirka caafimaadku waxaa halkaas loo direy koox caafimaad oo uu hogaaminayo Isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobalka Sool C/raxmaan Cumar waxaana kooxda ka mid ah Dhakhtar, Sheybaariste iyo kalkaaliyeyaal sare. kooxdan caafimaad ee loo direy deegaanka Karin karfood ee degmada Boocame ayaa isla shalay halkaas gaarey waxayna la tacaaleen dadkii halkaas ku xanuusanaa ee caafimaad darada laga soo sheegay.

Isuduwaha caafimaadka Gobalka Sool ayaa maantey RBC Radio khadka telefoonka ugu sheegay daaweyn ka bilaabeen Tuulada Karin-karfood iyadoo halkaas ay ka jirto nafaqo daro. deegaanka ayaa waxaa ka jira biyo la'aan waxaana dadku ay cabaan biyo aan nafiid ahayn kuwaas oo keenay inay caruurta iyo haweenka jilicsani lasoo dhacaan Iswad ( Shuban) watana qufac iyo qandho, waxaa intaas dheer deegaanka waxaa ka jira qabow habeen iyo maalin ah kaasi oo dadka aad ugu sahley inay hargab lasoo dhacaan.

Isuduwaha Caafiamadka Gobalka Sool waxa uu intaas ku darey inay xaalada hada daba qabteen oo ay dadka la tacaalayaan iyadoo ay kooxdu wadato daawadii ay dadka kula tacaali lahaayeen iyadoo daawdana ay bixisay wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland.

Maalmaha soo socda ayaa kooxda caafimaadku waxay ku sugnaan doonaan deegaanka Karin-karfood si ay uga jawaabaan xaalada caafimaad daro ayna uga samatabixiyaan caafimaad darada. kaysaska ay wax ka qaban waayaan ayay usoo gudbinayaan kooxda Isbitaalka casimada Garowe si xaalkooda wax looga qabto waxaana sidaas RBC Radio u sheegay Isuduwaha Caafimaadka Gobalka Sool.


RBC Radio
Garowe
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Wasaradda Caafimadka Puntland Jawabtey Xaalad caafimaad

Post by udun »

Good news. :up: :up:

There is also a similar program they are funding in Awrboogays where an MCH is being built there There is an NGO funding this progrsm thru the PL ministry ogf health.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wasaradda Caafimadka Puntland Jawabtey Xaalad caafimaad

Post by FBISOMALIA »

udun wrote:Good news. :up: :up:

There is also a similar program they are funding in Awrboogays where an MCH is being built there There is an NGO funding this progrsm thru the PL ministry ogf health.
pland moving that's good sign from faroole goverment :som: :up:

to me the most part of puntland need help is taleex then others :ugeek:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”