Page 1 of 1

Homeless Somalis living a fucked up life in Somali embassy!

Posted: Wed Jan 05, 2011 12:08 pm
by Coeus
They are homeless and they are living in the old Somali embassy in Rome :shock: :shock:







Image

Image

More pictures here:

http://www.hiiraan.com/news/2011/Jan/wa ... -12112.htm

Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Safaaraddii hore ee Soomaaliya ay ku lahayd magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, ayaa haatan ah dhisme ay daggan yihiin 120 qoxooti Soomaaliyeed ah. Inta badan qoxootigaas waxay haystaan sharciyo KMG ah oo ay siisay dowladda Talyaaniga, inta ay codsiyadooda magangalyo doonka ah go'aan ka gaarayso.

Dhismaha safaaradda, waa mid ka mid ah dhismayaasha quruxda badan ee ku yaalla deegaanka safaaradaha shisheeye ee magaalada Roma, balse waa dhisme duqoobay oo ay daaqadihiisu ay burbureen, oo dayactir aan helin, sida dhismayaaha ku hareereysan.

Guriga safaaradda oo ka kooban afar dabaq, ayaa weli ah dhisme Soomaaliyeed oo ku yaalla dalka Talyaaniga. Inkatsoo uusan helin wax dayactir ah, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee hoyga ka dhigtay dhismaha safaaradda, ayaa waxay ku raashinka ku karsadaan gudaha safaaradda, waxayna wariyeyaal ku booqday u sheegeen in xaaladoodu ay tahay mid aanay xilligan ka sheekeyn karin.

"Xaaladdeenu, waa mid aad u xun," ayuu yiri Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee daggan safaaradda, isagoo intaas raaciyay: "Dhismuhu ma lahan nalal... ma lahan kululeysayaal la shito xilliga qabowga... mana lahan musqulo."

Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Roma oo keliya ma ahan midda burbursan, ee waxaa sidoo kale burbursan safaaradaha Itoobiya iyo Eriteeriya ee ku yaalla Roma, kuwaasoo si la mid ah safaaradda Soomaaliya ay daaqaduhu ka burbureen.

Yaasmiin iyo Yuusuf, oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee daggan safaaraddii Soomaaliya ee Roma, ayaa sheegay in noloshoodu ay tahay mid aan lagu tilmaami karin nolol.

"Tani nolol wanaagsan ma ahan," ayay tiri Yaasmiin oo fadhiday kaabadda hore ee dhismaha safaaradda. "Soomaalidu waxay yaqaanaan halkan, sidaa daraadeed way yimaadaan. Hadda safaaraddu waxay hoy u tahay 120-qof, kuwaasoo qaarkood ay yimaadeen bishii lasoo dhaafay, qof walba wuxuu daggan yahay qayb yar," ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyaro rag oo joogay halka ay Yaasmiin fadhiday.

Booliiska Talyaaniga ayaa dhawaan hareereeyay dhismaha safaaradda, iyagoo baaritaanno ku sameeyay qoxootiga Soomaalida ah ee daggan, waxayna markii ay baareen u ogolaadeen inay daganaadaan safaaradda.

Toban dhallinyaro ah, oo maalin maalmaha ka mid ah qado ku karsanayay dabaqa ugu sarreeya ee dhismaha safaaradda, ayaa sheegay in xaaladoodu aysan ahayn mid ay filayeen. "Waxaa daris nala ah doolliyaal," ayuu yiri Maxamed oo qoslaya. "Ma ahan saaxiibbadeen," ayuu Ibraahim raaciyay.

Mid ka mid ah dhalliyarada deegaanka ka dhigtay safaaradda, oo haysta kaarka caymiska caafimaadka ee dalka Sweden, ayaa yiri: "Waxaan dalka Sweden joogay sideed bilood. Waxay i dajieen guri waxayna i siin jireen xoogaa lacag ah, ka hor intii aysan ogaan inaan horay magangalyo u weydiistay dalka Talyaaniga. markaas oo ay igu soo celiyeen Roma. Laakiin, halkaan nololi ma taallo, waxaa ka wanaagsan Somalia."

Dalka Talyaaniga, ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee ay qoxootiga Soomaalida ah ku nool yihiin, waxaana qoxootiga dalkaas ku nool ay aad uga cabanayaan nolosha halkaas ka jirta, kuwaasoo dalkaas ka galay badda ay la wadaagaan dalak Liibiya.














Horta one question. Why the fuck has the UK done so much for Somalia (taking in alot of refugees, training somali soldiers, giving aid to Somaliland and Somalia) While the Italians are looking the other way while this shit is happening in ROME! :?

Re: Homeless Somalis living a fucked up life in Somali embas

Posted: Wed Jan 05, 2011 12:16 pm
by Cirwaaq
British left when they had no need of somalis...

The Italians were made to leave and the level of infrastructural investment they made is indicative of their intention for a long term stay, hence they are bitter.

Re: Homeless Somalis living a fucked up life in Somali embas

Posted: Wed Jan 05, 2011 1:43 pm
by James Dahl
Italy planned on colonizing Somalia and taking all the best land for Italian colonists, they just never had the chance to follow through.

They planned on doing the same to Libya and Albania and Greece as well.

Re: Homeless Somalis living a fucked up life in Somali embas

Posted: Thu Jan 06, 2011 3:53 pm
by kambuli
Miskiin..Waa qof ay balwadi dilootey..Look at his eyes..and his mom is probably saying : Wiilkaygii Talyaaniguu Jiraa oo Jaamacad Kaga Jiraa...Miskiin...