Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyey shir nabadeed oo waayadan kasoconaayay degmada Carmo ee ka tirsan gobolka Bari,waxaana shirka lagu dhex dhexaadinaayay Beesha Dubeys ee Warsangeli iyo Beesha Cismaan Maxamuud
Munaasabad lagu soo gaba gabaynaayay shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland oo ugu horeeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire,Wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir,Odeyaal iyo Waxgaradka dhex dhexaadinaayay labada beelood,haween iyo Odeyaasha ka kala socday dhinacyadii la dhex dhexaadinaayay.
Gen.Cali Ismaacil oo kamid ah guddiga dhex dhexaadinta labada beelood oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in heshiis kala dhex dhigaan labada beelood oo hore xiisad colaadeed dhexmartay.
Wuxuu ka codsaday labada dhinac in ay dhaqangeliyaan heshiiskaan isla markaana aanay wax dhib ah mar kale dhexmarin.
Odeyaal u kala hadlay labada beelood ee la heshisinaayay ayaa ballanqaaday in ay fulin doonaan go’aamada kasoo baxay shir nabadeedka ee lagu dhex dhexaadinaayay.
Go’aamada ugu muhiimsan ay soo saareen guddiga dhex dhexaadinta labada beelood ayaa kamid ahaa;
Xukumada Dacwadaha Beesha Cismaan Maxamuud
-Dhacdadii Dhahar -06/10/2010
Dhacdadaan oo ka dhacay degmada Dhahar laguna diley nimanka kala ah 1-Maxamed Shire Cartan iyo 2-Siciid Shire Cartan laguna dhaawacay Yuusuf Ibraahim Muuse, raggaan uu u dhashey beesha Cismaan Maxamuud
Beesha Cismaan Maxamuud waxay u sheegteen dilka iyo dhaawaca nimankaas ragga kala ah;
■Jaamac Cabdi Geesood
■Maxamed Jaamac Cabdi Geesood
■Cabdi Cawil Cabdi
Beesha Dubaysna waxay qiratay inuu falkaas geystay Jaamac Cabdi Geesood,waxayna sheegeen in aysan waxba ka ogeyn ragga kale,Cabdi Cawil Cabdi waxaa uu ku maqna Ceergaabo markay dhacdadu dhacaysay.
Xukunka guddiga dhex dhexaadinta ee dhacdada Dhahar
-Xukunka dilka marxuminta:-
■1-Maxamed Shire Cartan
■2-Siciid Shire Cartan
Gudigu waxay xukumeen mag dhan 200 oo halaad ninkiiba wadartooduna ay tahay 400 oo halaad,waxaana loo kala bixinaaya sidaan;
Jifida iyo ganaaxa 50 halaad ninkiiba waxaana lagu bixinaaya dhogor, magdheerta 150 halaad ninkiiba waxaa lagu bixinaaya lacag lamida 150 halaad X$200= $30,000 Dollar.2-Xukunka dhaawaca:-dhibane Yuusuf Ibraahim MuuseGuddigu waxay xukumeen in ninka dhaawaca ah la hor geeyo shareecada Islaamka si loo simo.
Xukumada Dacwadaha Beesha Dubeys
Dhacdada Kurkujuxo (Baadiyaha Qardho) -04/02/2009
Dhacdadaan waxaa ku dhintey Marxuum Maxamed Xassan Cabdi oo u dhashey beesha Dubeys ee Warsangeli
Beesha Dubeys waxay u sheeganayaan dilka Marxuumkaas ninka lagu magacaabo Jacfar Xoor C/laahi Cali (Cali Jagaf)Beesha Cismaan Maxamuud way qiratay in marxuumkaas uu ku baxay gacanta beeshooda.
Xukunka Guddiga dhex dhexaadinta:
Gudigu waxay ku xukumeen dilka Marxuum Maxamed Xassan Cabdi mag dhan 120 halaad (33 halaad waa dhogor.87 halaad waa lacag oo ah 87X$200=$17,400).
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo kulankaan ka hadlay ayaa heshiiskaan ku tilmaamay mid Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso,wuxuuna ku dhiirageliyey labada beelood in ay fuliyaan.
Shirka nabadeed ee lagu dhex dhexaadinaayay labada beelood ayaa degmada Carmo ka furmey 14-ka bishii lasoo dhaafay ee December,waxaana dhex dhexaadinta labada beelood u istaagay Odeyaal dhaqameedka.
