Page 1 of 1

Mar hadaan gurigeyga...

Posted: Wed Jan 05, 2011 9:08 pm
by ToughGong
Mar hadaan gurigeyga
gidhligaanka gariiriyo
Garnayl loola tageynin
Iglan baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa
Weligey. gees uma dhaafin
Bal maxaa laba gaaloo
oo abtirsiimo gudboon
Midkood aan u gumayn
Midna guusha u siin
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Waligey gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Mar haddaan ka gabyay
oon go'aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha