Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ku ansixiyeen Miisaaniyada sanadka 2011-ka oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda Puntland.
Kulanka maanta oo uu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kasoo qaybgalay mudaneyaal tiradooda gaarayso 39-Xildhibaan.
Xildhibaanada ayaa Miisaaniyada la horkeenay sabtidii lasoo dhaafay,waxaana horgeeyey Wasiirka Maaliyadda Mudane Faarax Cali Shire kaas oo gaaraysay 74-bilyan Shilin Soomaali ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulanka kadib Saxaafada u sheegay in 29-kamid ah Xildhibaanada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2011-ka.
Dhanka kale Baarlamaanka Puntland waxaa ay ansixiyeen degmo cusub oo kamid noqonaysa degaanada hoos tega gobolka Bari,waxaana lagu magacaaba Gunbax iyadoo hore ay tirsanayd degmada Iskushuban.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland