
GAROOWE: Baarlamaanka Puntland oo Asaxiyey kordhinta Mushaharka Ciidamada Qaranka Puntland
GAROOWE(PP):-Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa maanta asaxiyey kordhinta mushaharka ciidamada qaranka dowlada Puntland iyo sidii tiro koob saxa loogu samayn lahaa ciidamada puntland.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay kordhinta mushaharka ciidamada qaranka puntland ay tahay mid muhiima iyadoo ay si rasmiya u meel mariyeen wallow aysan jirin xubno ka aamusay, ciidamada maanta mushaharka loo dhordhiyey ayaa waxaa ka mida Ciidamka booliska, ciidanka daraawishda iyo ciidamada Asluuba iyadoo ay asaxinta ka hor su’aalo badanka waydiiyeen gudiga dakhliga golah baarlamaanka Puntland islamarkaasna waydiiyey sida ay u arkaan.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa doodooda ku daray in la cadeeyo Mushaarka rasmiga ah ee uu qaato Askari kasta oo katirsan Puntland marka laga reebo lacagaha lagu bixiyo Raashinka ciidamada & Waxyaabaha kale ee daruuriga u ah ciidanka kaladuwan ee Dawlada.
Dooda Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu soo diray in taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ay soo gudbiyaan Tirakoobka rasmiga ah ee Dhamaan Ciidanka mushaariga ka ah dawlada Puntland,taas oo ay Xildhibaanadu ku doodayaan inaysan jirin tiro rasmi ah oo ay hayaan madaxda ciidanka Qalabka sida,waxaana ay codsadeen in la kordhiyo mushaarka ciidanka la cadeeyana inta uu qaato Askari kasta islamarkaasna ay Taliyeyaasha Ciidamada Qaranku soo gudbiyaan Xogta rasmiga ah ee Tirakoobka Ciidamada.
Ugu dambayntii waxaa arintaasni ay faraxad galinaysaa ciidamada qaranka puntland ee horay u qaadan jirya mushahar aan dabooli Karin nololmaalmeedkooda islamarkaasna aan dabooli Karin baahida jirta iyadoo ay jiro xaalad adag.
Siciid C/salaam Siciid
Wakiilka Puntlandpost-Puntland


