






Qoraaga Soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax Oo Lagu Soo Dhoweeyey Garoowe (Sawiro)
About: 12 hours ago | 12 comments
Waxaa maanta xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC lagu qabtay bandhig suugaaneed isugu jiray soo dhawayn loo sameeyey Qoraaga Soomaaliyeed Proff:Maxamed Daahir Afrax iyo ka doodida halka maanta uu marayo mustawahii dhaqan ee Umada Soomaaliyeed ay lahayd.
Munaasabada waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan Dawladda Puntland oo u badnaa Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirada arimaha gudaha,Maaliyada,Waxbarashada,Duulista hawada,Haweenka,maamul wanaaga,Abwaaniin,Aqoonyahano iyo xubno ka socday bulshada rayidka.
Ujeeda kulanka oo intiisa badan looga doodayey dhaqanka dhimanaya ee Soomaaliyeed iyo dhaawaca gaaray hal abuurayaasha Soomaaliyeed oo waayey dhiiri galin sidaas darteedna madasha laga sheegay in laga walaacsan yahay in uu dhumo dhaqankii suubanaa ee umada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa munaasabada lagu soo bandhigay buugaag tiro badan oo ay qoreen hal abuurayaal Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay qoraaga Soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax, waxaana isku soo aruurisay buugaagtasi Wasaarada Waxbarashada dowlada Puntland waxaana sharaxay Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa.
Agaasime kuxigeenka hay’ada PDRC Cali Faarax oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in toosinta dhaqanka umada Soomaaliyeed ay tahay mid mudnaan gaara leh isla markaana qayb ka qaadanayso PDRC sida kan maanta ay u fududeeyeen.
Wasiirka waxbarashada dowlada Puntland Cabdi Juxa oo isna goobta ka hadlay ayaa u dheeraaday sida umada Soomaaliyeed ay uga sii jeedaan dhaqankooda wasaaradiisuna kaalin ka qaadanayso daba qabashada dhaqanka umada Soomaaliyeed.
Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Caasho Geelle Diiriye ayaa sheegtay in loo baahan yahay in ladaba qabto dhaqanka,waxaana ay tilmaamtay in dhaqanka Soomaaliya uu hada sii daba go’aayo ayna jiraan erayo badan oo hada aan la garanayan kuwasoo ay qaybo badan oo kamida ah ay tusaalo usoo qaadatay wasiiradu iyadoo sheegtay dhalinta hada in dhaqanka la baro,caruurta hada jira lagu barbaariyo dhaqankii iyo sheekooyinka Soomaalida.
Qoraaga Proff:Maxamed Daahir Afrax oo hadalka lagu soo dhoweeyey waxaa uu u mahadceliyey dhamaan dadkii kasoo qayb galay,waxaana uu sheegay in muhiim tahay in la badbaadiyo dhaqankii Soomaalida oo hada uu sheegay in ay dabo go’a uu u jira dhalaanka hada jira loo baahan yahay in lagu barbaariyo dhaqanka.